Masar oo Aabo iyo Wiilkiisa ku xukuntay xabsi daa'in

Image

KHAAHIRA, Masar – Maxkamad ayaa xabsi daa'in ku xukuntay todoba xubnood oo ka tirsan Ururka Muslim Brotherhood.

Sidoo kale, maxkamada ayaa sii deysay 14 kale oo isla ururkaasi kamid markii ay ku weysay wax dambi ah.

Dadka la xukumay waxaa ku jira Aabo iyo Wiilkii, Xasan Maalik iyo Xamsa, kuwaasi oo noloshooda inta ka dhiman jeelka ku jiraya.

Dhamaan dadka xukunka uu ku dhacay oo fursad Racfaan haysta ayaa lagu eedeeyay waxyeelaynta dhaqaalaha Masar.

Xasan, ganacsade, kaasi oo leh bakhaaro soo dhoofiya qalabka korontada iyo Computer-da ayaa la soo xiray 2015-kii markii hoygiisa lagu duulay.

Mas'uuliyiinta ayaa shaaciyay in guriga Xasan ay kasoo heeleen astaamo muujinaya in uu cilaaqaad la leeyahay Muslim Brotherhood.

Ururkaasi oo dowladda Masar u aqoonsan tahay in uu yahay argagixiso ayaa ah xisbi siyaasadeed oo ay ku badan yihiin dadka Sunniga ah.

Xukunka maxkamada ayaa kusoo beegmaya iyadda oo la sheegayo in madaxweynaha Mareykanka ee Donald Trump uu ku fekerayo in ururkaasi oo u aqoonsado mid argagixiso.

Xukuumada Cabdul Fatax Al Sisi oo lagu eedeeyo in ay beegsato dadka siyaasad ahaan kasoo horjeeda ayaa ku dhowaad 1600 ruux xabsi u dhigay "arrimo siyaasadeysan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM