Mas'uul Mareykan ah una gefay Soomaalida oo shaqada laga joojiyey

Image

WASHINGTON, US – Madaxweyne ku xigeenka mahcad ku yaala gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa muddo 30 maalmood ah shaqada looga joojiyey markii ay u geftay soogalootiga Soomaaliyeed.

Kim Crockett ayaa xadgudubkaasi waxay ku geystay hadal ay siisey wargeyska afka dheer ee New York Times, waxaana hadaladeeda soo xigtay dad badan oo si weyn uga fal-celiyey.

Faaladaasi ayaa waxaa ciwaan looga dhigay "'Dadkani kama imaanayaa Norway: Qaxootiga ku sugan Minnesota City ha wajahaan dib u celin".

Dadka ugu badan ee ka fal-celiyey aragtidaasi oo u badnaa kuwa kasoo horjeeda musaafurinta dadka kuna ku sifeeyay Islaam-naceyb ayaa ku codsanayey talaabo laga qaado Crockett.

Crockett, oo ka tirsan xarunta Center of the American Experiment, ayaa sidoo kale saxaafada u sheegtay in ay qorsheyneyso in ay ka dhiidhiso barnaamij dib u dejin loogu sameynayo qaxootiga.

Balse xarunta ay ka tirsan tahay ayaa Khamiistii war-saxaafadeed kasoo baxay waxaa lagu cambaareeyay hadaladaasi muranka dhaliyey.

"Hadaladaasi kama turjumayaa aragtida Ururka. Waxaana soo dhaweynayaa guud dadka soo galootiga ah ee Minnesota kusoo galey qaab sharci ah," ayuu yiri John Hinderaker, madaxweynaha xaruntaasi.

Ugu dambeyntii, Crockett ayaa qoraal ay baraha bulshada soo dhigtay waxay raaligelin kaga bixisay hadaladeeda, oo ay sheegtay in aysan ka turjumeyn shaqadeeda ama qiyam-keeda.

"Aad ayaan uga qoomameynayaa dhibatada aan u geystay saaxiibadey ka shaqeynaya sidii gobolkeena ay uga dhigi lahaayeen meel wanaagsan oo lagu noolaado iyo dadka reer Minnesota," ayay tiri.

Minnesota waa mid kamid ah gobolada Mareykanka ee ay aadka u degaan Jaaliyadda Soomaaliyeed, halkaasi oo sanadihii lasoo dhaafey ay si weyn uga soo dhex-muuqanayeen siyaasada iyo dhaqdhaqaaqyada kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa'iil oo gantaal ku garaacdey magaalo ku taalla bartamaha Iran

Warsidaha afka dheer ee Fars ayaa tabiyay in qaraxa uu ka dhacay magaalada Qahjaverestan.

  • Caalamka

    19-04-2024

  • 03:36AM

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM