Maxaa sababa cudurka Suul-qalooca, sidee loo daaweeyaa?

Image

Cudurka suul-qalooca ayaa fara-kulul uu ku haya in ka badan 14 Milyan oo qof kuwaasoo ku nool guud ahaan Boqor-tooyadda UK ama Britain, sida laga soo xigtay Daraasad uu sameeyay Dr Dawn Harper.

Inkastoo ay jiraan dadyow kale oo ku nool caalamka, kuwaasoo uu la taalaycaya xanuunkan, hadana ma ahan tiro badan, sida uu Dhakhtarku sheegay, kaasoo cilmi baaristaan waday sanadihii u dambeeyay.

Muxuu yahay cudurka Suul-qalooca?

Waa cudur ku dhaca lafta ugu caansan ee Lugta Bani’aadamka taasoo ah Suulka, waana marka uu Suulka u wareegsado dhinac kale oo xagasha kale ah.

Tani waxa keentaa inuu xanuun badan uu dareemo qofka aanan dhab ahaantii wax khibrad ah ka haysan.

Maxaa Sababa?

Caadiyan waa wax la xiriira dhanka ALLE, laakiin waxaa si qeexan loogu sheegi karaa inay sababaan in qofka uu si qaldan socda ama uu si lama filaan ah lugtiisa dhan kale u weecato [Kufo], sida uu sheegayo Dr Dawn Harper.

Ragga miyuu ku dhacaa?

Dabcan Haa, laakiin inta badan wuxuu haleelaa cudurkan Dumarka, marka laga tusaalo qaato wadar ahaan 14 Milyan ee uu sameeyay, kaliya Labo milyan oo kamid ah ayaa waxay yihiin Rag, taasoo saameynta dhanka raggu usoo weecaneyso.

Labadda Suul miyuu ku dhici karaa Hal mar?

Sida aan soo sheegtay, cudurkaan waa mid dhanka ALLE ka socda, laakiin waxaa la qiyaasayaa inuu ku dhici karo labadda sulood hal mar, balse Dhakhtaatiirta ayaa rumeysan marka uu ku dhaco labadda suul inuu midka ku horeeyay uu xanuunkiisu yar yahay.

Sidee looga daaweeyaa?

Xalka kaliya ee ku aadan in la daweeyo xanuunka wuxuu yahay in qaliin lagu sameeyo, islamarkaana laga soo saaro Lafta Qaloocantay, iyadoo dib u hagaajin lagu sameeyo. Ugu yaraan 12 Isbuuc ayey qaadaneysaa soo kabashada.

Maxaa ka dhacaya hadii aadan rabin Qaliin?

Dhakhtar wuxuu sheegay in hadii aadan iskaga sameyn qaliin, aad waligaa la noolaan doonto xanuun daran, islamarkaana maalinba maalinta kasii dambeyso uu xanuunka kugu sii kordhayo, sidaas darteeda xalka kaliya waa in qaliin lagu sameeyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM

Ingiriiska oo shaaciyay goorta uu dhaqan gelinayo sharciga Musaafirinta muhaajiriinta

RW Sunak ayaa xaqiijiyay in la dhaqan gelin doono qorshaha lagu masaafurinayo magangalyo doonka Rwanda.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:10PM