Maxaa Sababa in Ardayda Natiijo Hoose Keenaan Imtixaanada? [Daraasad]

Image

Daraasad cusub oo ay sameeyeen Khuburo dhanka waxbrashada ah oo ka tirsan Hay'adda [National Bureau of Economic Research], oo fadhigeedu yahay Mareykanka ayaa lagu sheegay in Ardayda fasalada kulul wax ku barta aysan ku fiicneyn Imtixaanada.

Khubrada ayaa ogaadey in Ardayda heer kulka fasaladoodu wanagasan yahay ay ku fiican yihiin Imtixaanka marka lala barbar-dhigo kuwa uu kulul yahay goobahooda waxbarasho.

Natiijada Cilmi-baarista ayaa waxay kaloo sheegaysaa in saameyn ay ku yeelan karto Ardayda Mustaqbalkooda, islamarkaana ay ku keeneyso natiijo aan fiineen ay ka helaan Imtixaanada ay galaan.

Sidoo kale, baarayaasha ayaa soo heleen in dhaqaalaha badan ee lagu bixiyo wax-barashada aysan wax faa'ido keenayn, waxayna ku taliyeen in hoos loo dhigo lacagta wax-barashada lagu bixiyo.

"Waxaan soo helnay in dhaqaalaha sii kordhaya ee wax-barashada lagu bixiyo, kulula sii koraya iyo mac-luumaad ku saabsan xirfada ay hoos udhigayaa tayada wax-barashada iyo koriinka dhaqaalaha," ayuu yiri qofka qoray Daraasadaan.

Cilmi-baaristan oo laga sameeyay in ka badan 20 Milyan oo Dugsi/Iskuul kuwaasoo Imtixaano ka socdeen, ayaa waxaa leysla barbardhigay kuwa heer kulkooda yahy 60 digree iyo 90 digree.

Sidaas darteeda, natiijada soo abxday waxay muujisay in xisaabta iyo akhrinta ay hoos u dhigeyso hadafkii laga lahaa 61%. Tani waxay ka dhigay in saameyntu tahay wax aad u badan.

Sidoo kale, baarayaashu waxay ku sheegayaan in Arday kasoo jeeda qoyska ladan/hodanka ah ay yihiin kuwa intaba ka habsaama waxbarashada, dadka cadaanka ah ayey tilmaameen inay u badan yihiin.

Dadka madowga ah ayey daboolka ka qaadeen in sanadihii ugu dambeeyay ay ku sareeyaan dhanka wax-barashada, iyagoona tusaale ahaan usoo qaatay kuwa ku nool wadanka Mareykanka.

Ugu dambeyn, isbedalka ku dhacaya Cilimada ayey farta ku fiiqeen inay hoos u dhigaysa wax ka qabashada arrinkaan, laakiin, maal-gelin xoogan oo lagu sameeyo Iskuuladda kulul inay aaminsan yihiin inay wax ka qaban karto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM