Maxaa sababay geerida wiilkii ugu da’da yaraa Maxamed Mursi?

Image

KHAAHIRA, Masar – Wiilkii ugu da’da yaraa madaxweynihii dhintay ee Masar, Maxamed Mursi, ayaa Isbitaal ku yaala Giza, koonfuta Khaahira, ugu dhintay wadno xanuun, sida ay ku waramayaan warbaahino kala duwan oo Carbeed.

Cabdullaahi Mursi ayaa aad loogu bartay in uu ahaa afhayeenka qoyskiisa kadib markii Aabihii uu 17-kii June sanadkan 2019 uu ku dhintay xabsi.

Yaraanka Mursi, kaasi oo geeriyoodey Arbacadii, ayaa wuxuu ku eedeeyay saraakiisha ammaanka in ay ka dambeeyeen dhimashada aabihii.

Qoraalkii ugu dambeeyay ee uu soo dhigo Twitter-ka ayaa waxa uu ugu barood-diiqayey Aabihii, isaga oo la wadaagayey inta ku xiran khudbado ku baaqaya cadaalad uu helo hogaamiyihii dhintay.

Sanadkii hore 2018-kii ayaa Cabdullaahi si kooban loo xiray isaga oo lagu eedeeyay faafinta warar been abuur ah. Sidoo kale, sanadkii 2015-tii ayuu sanad xabsiga ku qaatay kadib inqilaabkii dhacay.

Walaalkiis ka weyn, Cusmaan, kaasi oo wajahaya dacwado ku aadan in uu abaabulayey banaanbaxyo ayaa wuxuu xabsi ku jiraa tan iyo markii la xiray sanadkii 2016-kii.

Hay'ddo kala duwan oo u dooda xuquuqda aadanaha ayaa qiyaasay in xukuumadda Al Sisi ay xabsi u taxaabtay ku dhowaad 60-kun oo maxaabiis siyaasadeed tan iyo markii la afgembiyey Mursi, 2013-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM