Maxay isku hayaan Trump iyo madaxa hay'adda caafimaadka Aduunka?

Image

WASHINGTON, US – Maalmihii lasoo dhaafay warbaahinta caalamka ayaa si weyn u hadalheysey hadalo kulul oo ay hawada isku marinayeen madaxweynaha Mareykanka iyo madaxa hay'adda caafimaadka aduunka ee WHO.

Donald Trump ayaa mar walba ah mid weerar ah, halka Tedros Adhanom Ghebreyesus uu difaacayo shaqsiyadiisa iyo hay'adda uu hogaamiyo.

Eedeynta ugu horeysay ee Trump uu u jeediyey WHO ayaa ahayd in ay noqotay "xarunta ka hortagga China" ee Coronavirus, talaabadaas oo uu ku sifeeyay "mid xaqiiqo ahaan qarxisay ololahooda ka jawaabida cudurka".

Hase ahaatee, Dr Tedros oo ka jawaabay ayaa si cad wuxuu ku adkeystay "waxaan u dhownahay dal walba, waxaan nahay kuwa hal midab leh".

Maxaa xigay?

Hogaamiyaha Mareykanka oo sii waday dhaleeceynta ayaa madaxda hay'addaas ku booriyey in ay diiradda saaraan howlaha hor-tabinta ah ee kamid ah waajibaadkooda, sidda uu hadalka u dhigay.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Trump ayaa ku goodiyey in ay joojin doonan qaaraanka ay siiyaan WHO. Wuxuu shaaca ka dhigay in Mareykanka uu bixiyo 400 milyan oo Doolar, halka Shiinaha uu ku tabaruco 40 milyan.

Mike Pompeo, wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka, oo xoojiyey hanjabaadda Trump, ayaa carabka ku adkeeyay in ay go'aanka ku gaari doonan "sidda ugu dhaqsiyaha badan uguna macquulsan".

Dhamaan hadaladaan waxay ka yiraahdeen shir jaraa'id oo ay qabteen Arbacadii, kaasoo ay kaga warbixiyeen xaalahada cudurka ee Mareykanka.

"Hanjabaad dil"

Tedros, muwaadin Itoobiyaan ah oo taageero ka helay qaarada Afrika, ayaa ku baaqay midnimo si looga hortago faafitaanka fayruska. Wuxuu Trump ku eedeeyay in uu siyaasadeeyay dedaaladooda ciribtirka caabuqa.

Wariyeyaasha ayuu si furan ugu sheegay in uu horey u helay hanjabaadyo dil ah, si lamid ah, xadgudubyo dhanka midabka ah, taas oo uu cambaareeyay.

Hay'adda uu madaxda ka yahay ayuu caddeeyay in ay dhex u tahay dhamaan wadamada calaamka, isagoo meesha ka saarey in ay dhinac la safteen, taas oo ahayd eedeynta kaga timid Donald Trump.

Hay'adda Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa kamid ah unugyadda ugu muhiimsan ee hoostaga Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa.

Xudunta muranka

Covid-19 ayaa markii ugu horeysay kasoo shaax-baxay magaaladda Wuhan, bartamaha Shiinaha, halkaas oo 11-todobaad oo go'doomin ah ku jirtay.

Sarkaal ku dhow madaxa WHO ayaa xusay in wada-shaqeynta dhow oo ay la yeesheen China ay sabab u ahayd "maadaama dalkaas uu xaaladihii ugu horeysay kaga helay macluumaad iyo fahan aad u balaaran".

Weerarka Trump ee ka dhanka ah WHO wuxuu yimid xilli maamulkiisa uu wajahayo dhaleeceymo ku saabsan qaabka uu ula tacaalay si gaar ah dhibaatooyinka ka dhashay tijaabadda.

WHO ayaa bishii Janaayo soo saartay nidaam loo marayo tijaabadda, balse Mareykanka waa uu kasoo horjeestay, wuxuuna sameystay hab gaar u ah, sidda ay warisay warbaahinta maxaliga ah.

Sikastaba, bishii Febraayo waxaa fashilmay nidaamka uu Mareykanka hirgeliyey, waxaana badankooda ay soo saareen natiijooyin kala duwan.

Xeeldheereyaal caafimaad ayaa tilmaamay in dib-u-dhacaas uu sabab u noqdey in cudurka uu si weyn ugu faafay Mareykanka, oo tirada dhimashadda ay ku dhow-dahay 15-kun, iyaddoo kiisaska ay ka badan yihiin 400-kun.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM