Maxkamad amartay in ay waqti badan la hurdo siiyo maxaabiis

Image

SAN FRANCISCO, US – Xeer-ilaaliye heer federaal ah ayaa faray in maxaabiista ku jirta xabsiga degaanada San Francisco Bay la hurda siiyo waqti badan.

Sidoo kale xeer-beegtada ayaa amar ku bixisay in habeenkii aysan buuq badan sameyn karin maxaabiista halkaasi ku jirta.

Intaasi waxaa wehlisa in la faray in nalalka la damiyo habeenkii wixii ka dambeeya 11-ka [Shan saac oo habeenimo].

Maxkamada ayaa sidoo kale soo rogtay in maxaabiista aysan soo toosi karin wixii ka horeeya afarta subaxnimo [Afar saac], markaasi oo ay quraac la siinayo.

Go’aanadaan ayaa ka dambeeyay markii qaar kamida maxaabiista ay cabasho ka keeneen sawaxan badan oo halkaasi ka jira xilliyada habeenkii.

"Amarkaan waa mid ku meel gaar ah, balse waa uu dhaqan-galayaa," ayuu Garyqaan James Donato u sheegay warbaahinta.

Mas'uuliyiinta ayaa xabsiga iyo kan gobolka ayaa ku dhawaaqay in ay u hogaansami doonan awaamiirtaasi.

Maxaabiista tabashada gudbiyay ayaa soo dhaweeyay xukunada ay ridday maxkamada, iyaga oo ku sifeeyay kuwa cadaalad ah.

Hasayeeshee, kuwa kasoo horjeeda ayaa ku tilmaamay mid meel ka dhac ku ah xorriyadda ay u leeyihiin in ay dhaqdhaqaaq sameeyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sri Lanka oo xirtey askar u dhalatay dalkaas kuna biirtey milatariga Ruushka

Arrintan ayaa waxa ay kusoo hagaagtay maalin kadib markii dalka ay deriska yihiin ee Hindiya uu afar qof lagu xiray kiis kan la mid ah.

  • Caalamka

    09-05-2024

  • 04:59PM

Pakistan: Sagaal qof oo time-jare ahaa oo toogasho lagu dilay

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkan oo dhacay aroortii hore ee Khamiista maanta ah.

  • Caalamka

    09-05-2024

  • 08:04AM