Maxkamad ku taala Mareykanka oo xukun ku riday shaqsi Soomaali ah

Image

WASHINGTON, US – Maxkamad ku taala magaalada gobolka Maine hoostagta ee Lewiston ayaa Khamiistii waxay Soomaali ugu xukuntay laba sano in uu ka ganacsanayey maandooriye, sidda uu wariyey bogga Sun Journal.

Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo maxkamadeyntiisa ku dhacdey qaab fogaan arag ah sabab la xiriirta Covid-19 ayaa la sheegay in uu qirtay dambiga isla markaana uu xeer-beegtada iyo dadka waydiistay raaligelin.

Dambiga uu qirtay waxaa ciqaab ahaan shaqsiyaadka ay ku cadaato loogu xukumaa 20-sano oo xarig ah taasoo muuqata in uu ka badbaadey.

Garsoore Nancy Torresen oo tibaaxdey in Maxamed uu wehel u yahay hibo wax-qabsi iyo maskax furan ayaa daaha ka rogtay in dacwad-oogeyaasha ay u soo jeediyeen 27 bilood oo xarig ah iyo laba sano oo hubin ah.

Qareenkiisa Luke Rioux ayaa ku adkeystay in Maxamed uu ka ganacsiga maandooriyaha ugu biiray si uu isku hilmaamiisyo jahwareer maskaxeed oo soo wajahay maadaama aabihii lagu dilay Soomaaliya isagoo yar.

"Inkasta oo aad ku iibin jirtay waddooyinka si aad dabcigaaga u disho, ma ahan wax lagu farxo in aad dooratay ka ganacsiga mukhaadaraadka," ayay Torresen tiri kahor inta aysan ku dhawaaqin go'aanka kama dambeysta ah.

Saaxiibadii iyo xubno kamid ah qoyskiisa oo maxkamadeynta kaga qeybgalay qaabka online-ka ayaa codsaday in Maxamed la siiyo "fursad kale".

Xukunsaha oo la tabiyey in isaga iyo eedadii ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay Soomaaliya ayaa Mareykanka ku galay da'da lix sano jirka. Kahor inta aysan wax badan joogin Kenya, hooyadii waxay dib u midoobeen 2011-kii.

Ka gedaal markii saraakiisha ay heleen wicitaan telefoon uu la yeeshay ruux kale oo ka ganacsatada mukhaadaraadka, Maxamed ayaa lasoo qabtay 2018-kii, waxaana tan iyo xilligaas soo jiitamayey gal-dacwadeedkiisa.

Ka ganacsiga maandooriyaha ayaa kamid ah dhibaatooyinka burburinaya nolosha Soomaalida ku nool qurbaha si gaar ah Canada, Mareykanka iyo dalal kale dhaca Yurub. Waalidkooda wuxuu la kacaakufayaa siduu uga joojin lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM