Maxkamad sii deysay nin 27-sano xabsi ugu jiray dambi uusan gelin

Image
Image
Image

BEIJING, China – Nin ku sugan koonfurta dalka Shiinaha ayaa xorriyadiisa dib loogu celiyey markii lagu waayey dil loo haystay, wallow uu xabsi ku qaatay 27-sano, sidda ay ku warantay warbaahinta gudaha.

Zhang Yuhuan ayaa wuxuu adkeystay in ay jirdileen ciidamadda kuna qasbeen in uu qirto dilka laba wiil oo dhacay sanadkii 1993-dii.

Inta la og-yahay, Yuhuan ayaa noqonaya qofkii ugu horeeyay ee muddo intaas la eg xabsi ugu jiray si qalad ah. Jeelka uu ku jiray wuxuu ku yaalaa gobolka Jiangxi, halkaas oo 9,778 maalmood uu ku xirnaa.

Dacwad-oogeyaasha oo dib u furay kiiska ayaa tilmaamay in qiraalkiisa uu ku yimid xaalad hubanti la'aan ah, iyagoo waxba kama jiraan ku sifeeyay dhamaan dacwadihii kolkii hore lagu soo oogay.

Maxkamadda Sarre ee China oo go'aanka ugu dambeeya kasoo saartey galkiisa ayaa ku dhawaaqdey in aysan jirin caddeymo ku filan.

Falanqeeyeyaasha dusha sarre kala socda China ayaa sheegaya in ay isa soo tarayaa xukunadda sidda qaldan loogu shaqsiyaadka dambiga lagu eedeeyo, balse la iska indha-tiro kuwa fashilka siyaasada.

Markii Talaadadii lasii daayey, muuqaal aad loogu baahiyey baraha bulshadda ayaa muujinaya Mr Zhang oo si dareen leh dib ula midoobaya qoyskiisa, gaar ahaan hooyadiisa 83-sano jirta ah iyo xaaskiisii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM

Booliska Kanada oo lumiyay raadadka dahabkii ugu badnaa taariikhda dalkaas ee la dhaco

Dahab qiimihiisu gaaraya $16 Milyan oo Dollar ayaa sanadkii hore laga dhacay Shirkad ka dhisan Kanada.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:15AM