Maxkamad xukuntay Soomaali turjumaan u ahaa FBI-da Mareykanka

Image

WASHINGTON, US – Maxkamad heer federaal oo ku taala Virginia ayaa turjumaan FBI-da ka tirsanaa hal sano oo dhaqan-celin ugu xukuntay in uu qariyey xiriir uu la yeeshay la tuhunsaneyaal argagixiso.

Cabdirisaaq Wehliya, 68-jir Soomaali ah oo degan Burke, Va. kaasoo November qirtay dambi ah in uu warbixin been ah bixiyey, ayaa la amray in uu bixiyo aduun lacageed kun Doolar oo ganaax ah.

Eedeymaha loo haysto ayaa la xiriira dad ay xeer-beegti amartay in la dhageysto telefoonadooda oo Wehliye uu turjumay.

Xukunsanaha ayaa xiligaas iska fogeeyay in uu wax xiriir la leeyahay qof uu magaciisa ku sheegay "UM" markii la hor-dhigay codka wada sheekeysi dhexmaray labadooda oo uu turjumay.

Wallow uu xusay in aysan si wanaagsan isu aqoon, Baareyaasha ayuu kolkii dambe u sheegay in shaqsigaas oo rag ahaa ay wada sheekeysanayeen tan 2010-kii.

Dacwad-oogeyaasha ayaa ku adkeystay in falkaas oo dhacay sanadkii 2016 uu Wehliye u sameeyay "si ola kac ah" iyagoo meesha ka saarey in uu ka ahaa "khalad".

Ruuxa lagu qabtay isagoo wada sheekeysi la yeelanaya ayaa muddo ku noolaa Mareykanka isla markaana uu mar isku dayey in uu u socdaalo Soomaaliya si uu kaga mid noqdo maleeyshiyaadka Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM