Maxkamadda ICC oo laashey dacwadihii loo haystey Uhuru Kenyatta

Image

December 6, 2014 (GO)- Maxkamadda caalamiga ah ee dembiyada dagaalka (ICC) ayaa wax dembi ah ku weydey Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo horay loogu soo eedeeyey dacwado la xiriira inuu galay dambiyo ka dhan bini aadamnimada.

Dacwad-ooge Fatou Bensouda ayaa sheegtay in ilaa iyo hadda aan la haynin cadaymo iyo markhaantiyaal muujinaya in Kenyatta uu dembi galay, sidaas darteed dacwad oogayashu kiiskaas isaga ah dib ula laabteen.

Bensouda ayaa dhanka kale dalbatay in la siiyo waqti dheeri ah si ay arintan baaritaan qoto dheer ugu sameeyaan una raadiyaan cadaymo cusub, balse guddoonka maxkamadda ayaa codsigaas ku gacan sayray.

Dabbaaldegyo waaweyn ayaa ka dhacay qaybo kamid ah dalka Kenya, waxaana magaalada Nairobi isugu soo baxay kumanaan ah taageerayaasha Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Kenyatta oo dhankiisa shir-saxaafadeed uu arintan kaga hadlayey Nairobi ku qabtay, wuxuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in eedeymihii horay loogu soo jeediyey wax cadeyn ah loo waayey.

" marar badan oo hore ayaan u sheegay dadka kenya iyo caalamka oo dhan inaanan wax dembi ah gelin maantana waan ku celinayaa...aad baan ugu niyad samahay natiijada kasoo baxday kiiskii xukuumadda Kenya ka yaalley maxkamadda caalamiga ah ee dembiyada dagaalka ICC" Uhuru ayaa sidaas yiri.

Dhanka kale hay'adda u ololeysa xuquuqul insaanka ee Human Rights Watch ayaa ku tilmaantay go'aanka maxkamadda ICC mid dib u celinaya horumarkii laga sameeyey dadaallaadii loogu jirey in sharciga la horkeeno dembiileyaasha, daka dhibaneyaasha ahna xuquuqdooda helaan.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ku xigeenkiisa William Ruto iyo shaqsiyaad kale oo saraakiil ciidan iyo weriyeyaal isugu jira, waxaa lagu soo eedeeyey inay qayb wayn ka qaateen rabshado in ka badan kun qof ku dhinteen, kuwaasoo dalka Kenya ka dhacay kadib doorashadii madaxtinimada ee sanadkii 2007.

Waa markii kowaad ee maxkamadda caalamiga ah ee dembida dagaalku ku guul dareysato kiis baaxadiisu intan le'eg tahay mudadii 11ka sano ahayd ee ay jirtey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM