Meydka nin Soomali ah oo laga helay duleedka St. Cloud

Image

Sept 23, 2014 (GO)- Meydka nin Soomaali ah oo ku dhex gubtey gaari uu watey ayaa laga helay meel saddex saac u jirta magaalada St. Cloud oo ku taal gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.

Ninka geeriyoodey oo lagu magacaabi jirey Axmed Faarax, waxaa la waayey Sabtidii lasoo dhaafay kadib markii uu xaaskiisa u sheegay inuu magaalada dibadda uga bixi doono si uu usoo hawo gedisto.

Booliska ayaa gelinkii dambe ee shalay oo Isniin ahayd helay medka Axmed Faarax oo ku dhex gubtay gaarigii uu ku safrayey. Faah faahin kama bixin boolisku sababta keentay geerida waxayse sheegeen inay weli baaritaan wadaan.

Qaar kamid ah ehelada ninkan oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa sheegay in maalmihii u dambeeyey uu ka sheeganayey xanuun dhabarka ka hayey iyo wareer.

Magaalada St. Cloud oo kamid ah magaalooyinka ugu dadka badan gobolka Minnesota waxaa ku nool kumannaan qof oo Soomaali ah.

GAROWE ONLINE.

Related Articles

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM

Ciidamada ICE oo in ka badan 400 qof ku qabtay gobolka Minnesota

Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota, oo ah tan ugu badan ee qowmiyad dibadda ka soo jeeda gudaha gobolka.

  • Caalamka

    15-12-2025

  • 11:26AM