Minnesota: tirada Soomaalida ku biiray IS oo korortay

Image

Talaado, Sept 16, 2014 (Garowe Online)- Waxaa korortay tirada dhallinyarada Somali American-ka ah ee ku biiraya kooxaha mayalka adag ee ka dagaallama dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Ugu yaraan 12 dhallinyaro ah oo ka tegey gobolka Minnesota  ayaa la xaqiijiyey dhowrkii bilood ee ugu dambeeyey inay ku biireen kooxda IS iyo ururrada kale ee xagjirka ah ee ka dagaallama dalka Suuriya.

Sida loo badinayo, hal qof oo kamid ah 12 kaasi waa gabar, waxaase jira warar kale oo sheegaya in saddex dumar tahay sagaalka kalena rag yihiin.

Qofkii ugu dambeeyey ee ku biira kooxda IS wuxuu ahaa wiil 19jira ah oo lagu magacaabo Maxamud Maxamed. Aabaha dhalay wiilkaas oo la hadlay idaacadda VOA, ayaa sheegay in wiilkiisu labo bilood kahor uu gaarey Suuriya.

"waa arin naxdin leh, wiilkaygu arday buu ahaa halkan buu joogey halmar buu is bedalay...anagoon ogayn ayuu si hoose ku aaday Suuriya..." aabaha ayaa yiri.

Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka oo ah midka ay Soomaalida ugu badan ee dalkaas degeni ku nool yihiin, waxaa horay sidan oo kale uga soo dhoofay dhallinyaro badan oo ku biiray Ururka Al-shabab, kuwaasoo qaar kamid ahaa ay is qarxiyeen.

GAROWE ONLINE. 

Related Articles

Diyaarad ku dhacday Badda kadib markii ay ka baxday Garoonka Hong Kong

Mas’uul ka tirsan Waaxda Dab-damiska ayaa weriyeyaasha u sheegay in labada qof ee dhintay ay kala ahaayeen darawalkii gaariga ilaalinta amniga.

  • Caalamka

    20-10-2025

  • 11:44AM

Xuutiyiinta Taageerada ka Hela Iran oo Qabtay Shaqaale ka Tirsan Qaramada Midoobay

Xaaladdan ayaa si weyn uga sii daraysa xaaladda amni iyo shaqo ee Qaramada Midoobay ee Yemen.

  • Caalamka

    20-10-2025

  • 08:40AM