Miyuu Donald Trump la maseyri doonaa kulanka Kim iyo Putin?

Image

MOSCOW, Russia – Madaxweynaha Ruushka ayaa ka degay magaalada Vladivostok, halkaasi oo uu kula kulmayo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Kulanka Vladimir Putin iyo Kim Jong-un oo maanta qabsoomaya ayaa diirada lagu saarayaa xiriirka diblumaasiyada iyo barnaamijka Nuk-liyeerka.

Putin ayaa noqon doona hogaamiyihii lixaad ee la kulma Kim tan iyo markii uu xafiiska la wareegay sanadkii 2011-kii.

Si lamida ah waxa uu noqon doonaa kulankii ugu horeeyay oo ay yeeshaan labada hogaamiye oo wadamadooda cilaaqaad taariikh ah uu ka dhaxeeyo.

Kim ayaa ka degay magaalada ay ku balansan yihiin Putin Arbacadii, isaga oo ku tegay tareen gaashaaman oo aysan xabad karin.

Shirkaan ayaa kusoo beegmaya xili uu fashil kusoo dhamaaday is-aragii ugu dambeeyay ee madaxweynaha Mareykanka iyo Kim.

Dadka ka faalooda arrimaha siyaasada ayaa rumeysan in kulanka Kim uu siinayo Putin awood dheeraad ah oo kula gor-gortami karo Mareykanka.

Andrey Kortunov, oo ka tirsan machadka siyaasada caalamka ee Ruushka ayaa rumeysan in Trump uu sidoo kale kulankaan ka qaadi doono hinaaso [maseyr].

Balse dadka la dhacsan siyaasada Trump ayaa sheegaya in madaxweynaha Trump uu u arko shirkaan mid caadi oo aanan sameyn yeelan doonin.

Sikastaba ha ahaatee, indhaha caalamka ayaa kusii jeeda shirkaasi, waxaana aad looga dhowr-sugayaan qodobadda kasoo baxa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Giorgia Meloni iyo Amiirka Qatar oo ka wada hadlay dhibaatada ka dhalatay xirnaanshaha Hormuz

Meloni ayaa booqashadan ku tagtay Qatar maalin Sabti ah, waana joogteeda labaad ee safar ay ku mareyso gobolka oo ka bilowday Sucuudiga.

  • Caalamka

    04-04-2026

  • 06:15PM

Iran oo soo riday diyaarad, duuliye Mareykanka oo la raadinayo

Tehran ayaa kaga jawaabtay weerarro diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ah oo lagu beegsaday Israa’iil, iyo sidoo kale Urdun.

  • Caalamka

    03-04-2026

  • 06:19PM