​Moses Wetangula: Kenya way ku fashilantay Howlgalka Somalia

Image

NAIROBI, Kenya- Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda dalka Kenya Moses Wetangula, ayaa ugu baaqay dowladda Madaxweyne Uhuru Kenyatta inay si deg deg ah ciidamadeeda uga soo saarto Somalia.

Moses Wetangula, oo kamid ah hadda Xisbiga Mucaaradka ayaa sheegay in Kenya ay askar badan ku wayday howlgalka Somalia wixii ka dambeeyay 2011, isagoo ku baaqay in ciidanka dib loogu soo celiyo dalkooda.

"Murugu ayay u tahay Kenya inaysan shaacin Tirada Askarta looga dilay Somalia. Ciidamadeena waxaan ugu dirnay Somalia inay dalkooda difaacaan, ee ma ahan inay Naftooda ku waayaan difaaca dal kale," Ayuu yiri Wetangula.

Wetangula wuxuu sheegay in Al shabaab ay dileen Askar iyo saraakiil badan, oo caruurtooda u shaqeynayay Rootiga, hadana aysan jirin meel lagu sheego Nolol iyo Geeri, taasina ay ceeb ku tahay dowladda Uhuru Kenyatta.

Ciidamada Kenya ayaa soo galay Somalia October, 2011, iyagoo fulinaya howlgalka Difaac dalka "Operation Linda Nch", kadib markii Al shabaab ay weeraro badan, oo dilal iyo Afduub ah ka geesteen dalkaasi.

KDF ayaa ku biiray AMISOM 2012, waxaana ay noqdeen kuwa ugu badan ee khasaaraha kasoo gaareen werarada Al shabaab, oo ugu dambeeyay kii shalay ka dhacay deegaanka Kulbiyow.

Askar lagu qiyaasay 120 ayaa ku sugnaa saldhiga Kulbiyow kahor weerarka, waxaana Askartaasi lagu soo waramayaa inay intooda badan ku dhinteen qaraxa iyo dagaalkii ka dambeeyay.

Askari ka badbaaday weerarka Kulbiyow ayaa u sheegay warbaahinta in Taliyaashooda ay heleen xogo sir ah oo weerarka inuu kusoo socdo la xiriirta, balse ay iska indha-tireen.

Al shabaab ayaa sidan oo kale u weeraray ciidamada Kenya ee Ceel cadde, gobolka Gedo Bshii January 15, 2016 iyadoo Kenya ay wali qarinayso khasaarihiisa.

Kenya waxaa Somalia ka joogo 2,500 oo Askari, kuwaasi oo ka howlgala goboalda Jubbooyinka iyo Gedo ee koonfurta Somalia, waxayna hoot-tagaan Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM