Mucaaradka Rwanda oo rabshado ka digay

Image

16 December, 2015(GO)-Hoggaamiyaha mucaaradka Rwanda ayaa weydiistay dadka dalkaas inay “Maya” ugu codeeyaan aftida khamiista iyo jimcaha laga qaadayo dalkaas, taasi oo madaxweyne Paul Kagame u ogolaan karta inuu markii saddexaad qabto xilka.

Mr. Kagame oo 58 jir ah ayaa hogaaminayey ciidamadii dhammeeyey xusuuqii Rwanda ee 1994-kii, waxaana uu xukunka ka tuuray xagjiriintii Hutu-ga. Waxa uu ahaa madaxweyne ku xigeenka Rwanda, waxaana uu madaxweynaha Rwanda noqday sanaddii 2000, markii uu madaxweynaha is-casilay.

Franka Habineza oo ah hoggaamiyaha iyo aas-aasaha xisbiga Democratic Green Party ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in qabashada xilka madaxweyne oo lagu xaddido laba goor oo kaliya ay ogolaaneyso inuu soo baxo hoggaan cusub.
   
Haddii aftida la ansixiyo, waxa ay sharci ahaan u ogolaan doontaa in Mr. Kagame uu xilka qabto laba xilli oo kale oo min shan sano ah.

Habineza waxa uu sheegay in haddii Kagame uu ku adkeysto inuu xukunka sii hayo in taas ay dhallin doonto rabshado la mid ah kuwa ka socda dalka deriska la ah ee Burundi.

Xigasho: VOA

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM