Mudo kordhin loo sameeyay UNSOM xilli UN-ka wakiil u joogin

Image

Gollaha Amaanka ayaa shalay oo Arbaco ahayd meel mariyay qaraar cusub oo mudo kordhin loogu sameeyay Howlgalka kaalmeynta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya [UNSOM].

Sida ku xusan Qaraarka tirsigiisu yahay 2461, mudo hal sano ah ayaa loo kordhiyay waqtiga UNSOM ee joogitaanka Soomaaliya, oo la gaarsiiyay illaa March 31, 2020.

UNSOM ayaa sii wadi doonta taageeradda Istiraatiijiyadeed iyo talooyinka ay siinayso dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo AMISOM oo ku saabsan nabad iyo dowlad-dhisidaa dalka.

Waxa kaloo UNSOM xoojinaysaa joogitaanka dhamaan dowlad goboleedyada [Puntland, Galmudug, HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland], oo caasimadahooda ay xafiisyo uga furan yihiin.

UNSOM ayaa kala shaqeyn doonta dowladda Federaalka qabashada doorasho loo dhan yahay, oo hal qof iyo cod ah, taasoo qabsoomideeda ay dad badan shaki geliyeen, sababo la xiriira amniga iyo xaalada jirta.

Waxaa lagu booriyay dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada inay dedejiyaan hirgelinta barnaamijka dib u habeynta ciidamo qaran oo la wareegga mas'uuliyadda amniga oo hadda gacanta ku haya AMISOM.

UNSOM ayaa la aas-aasay June 3, 2013 kadib markii qiimeyn lagu sameeyay xaaladda Soomaaliya oo xilligaasi dalka kasoo baxay xaaladdii kala guurka, oo la dhisay dowladdii uu hogaminyay Xasan Sheekh.

Gollaha Amaanka ayaa dhowr jeer mudo kordhin u sameeyay UNSOM, iyadoo qaraarkii shalay uu kusoo beegmayo xilli horaantii sanadkan ay dowladda Federaalka dalka ka eriday Wakiilkii QM Nickolas Haysom.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sadiq Khan: Muxuu Trump igu mashquulay anigoo duq magaalo ah, oo qol uga degay Maskaxdiisa?

Balse Sadiq Khan ayaa isagu jawaabtiisa ku sheegay: “Waxaan si weyn ugu faanayaa horumarka aan ka sameyneyno magaalada London.

  • Caalamka

    24-09-2025

  • 11:52AM

Muftiga Guud ee Sacuudiga, Sheikh Abdulaziz bin Abdullah Al-Sheikh, oo geeriyooday

Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed bin Salman – oo hadda gacanta ku haya maamulka maalinlaha ah ee dalka.

  • Caalamka

    24-09-2025

  • 08:12AM