Muslimiinta Yurub oo wacdarro ka sameeyay dabaal-degga Ciida

Image
Image

Iyadoo maalintii shalay oo Jimco ahayd, si isku mid ah looga wada oogay maalinta 1aad ee Ciidul Fitiriga, ayaa Muslimiinta ku nool UK, gaara ahaan Magaalada Birmingham, waxay u dhigeen Muslimiinta Yurub rikoor cusub.

Rikoorkaan ayaa wuxuu yahay inay sameeyeen isku soo bixiyaan ugu waynaa abid, kaasoo loogu dabaaldegayo Ciida, waxaana lagu sheegay tiradooda in ka badan 140,000 oo qof.

Dadkaan ayaa waxay isugu soo baxeen beerta Small Heath Park, oo ku taalla magaaladda Birmingham, waxayna tahay sanadkii todobaad oo xiriir ah oo sidaan oo kale loogu oogo beertaan Salaada Ciida.

Dabbaaldegga weyn waxaa qabanqaabiyay Masjidka Green Lane iyo Xarunta Bulshada (GLMCC) ee magaalada, kuwaasoo Salaada kadib dadka u qeybiya cuntooyin fudud iyo hadiyado kale.

Afhayeen u hadlay Guddiga qaban-qaabadda wuxuu sheegay in qeybgalayaasha ay ka kala yimaadaan dalal kala duwan, ayna isugu jiraan dad haysta manaahiijta kala duwan ee diinta suuban ee Islaam-ka.

Maalmaha Ciida waa ay uga duwan tahay maalmaha kale, shucuubta muslimiinta, iyagoo la isa siiyo Hadiyada iyo waliba waxyaabo kale oo qaali ah, islamarkaana ay isku booqdaan xaafadaha maalmaha ciida lagu guda jiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Heshiiska Iiraan wuxuu ka dhigi doonaa Marinka Hormuz mid si joogto ah u furan

Wareysi uu bixiyey Axaddii, Trump wuxuu sheegay in haddii Tehran ay ku guuldarreysato…

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 03:12AM

Iran oo shaacisay waqtiga la aasayo Ayatollah Ali Khamenei 100 maalin kadib dilkiisa

Waxayna inta dhexeyso 4-ta ilaa 9-ka Luulyo ka dhici doonaan magaalooyinka Tehran, Qom, iyo Mashhad.

  • Caalamka

    13-06-2026

  • 12:43PM