Muwaadin diidey in uu gurigiisa u baneeyo dowladda oo la toogtay

Image

RIYADH, Saudi Arabia – Muwaadin Sacuudiyaan ah oo diidey amar dowladeed oo ku saabsan in uu gurigiisa u baneeyo mashruuc malaayiin Doolar ku baxeyso ayay ciidamada ammaanku dileen, sidda ay sheegtey saxaafada.

Mashruuca oo uu hindisay dhaxal-suge Maxamed bin Salman kana mid ah qorshihiisa horumarinta 2030 waxaa laga fulinayaa magaalooyinka iyo gobolada Sacuudiga, wuxuuna quseeyaa arrimo uu ku jiro dalxiiska.

Abdul Rahim Ahmad al-Hwaiti ayaa muuqaal uu soo duubay kahor toogashadiisa wuxuu ku sheegay in uu kasoo jeedo magaaladda al-Khraybah ee hoostagta gobolka waqooyi-bari ka xiga Badda Cas ee waddankaas.

Muuqaalka oo uu ku faafiyey baraha bulshadda ayuu intaas ku daray in isaga iyo dadka degaanka ay cadaadis kala kulmayaan xukuumadda "si ay uga tanaasuleen hantidooda una qaataan magdhow lacageed".

"Qof walba oo diida waxaa xiraya wakiiladda dowladda. Tanina waa barakicin xoog ah," ayuu ku yiri mid kamid ah muuqaaladii uu duubay.

Al-Hwaiti ayaa carabka ku adkeeyay in dadku aysan dooneyn in ay ka guuraan halkaas, balse ay ku nool yihiin cabsi-gelinta ciidamadda.

"Sagaal qof oo degaanka ah ayaa la xiray illaa iyo haatan, ma hubo hadii aan anigu ku xigo ama ley dili doono," ayuu muuqaal kale ku yiri. "Waan hubaa hadii ay u dilaan waxay dhinaceyga dhigi doonan hub, iyagoo dhihi doona wuxuu ahaa argagixiso," ayuu raaciyey.

Dhamaan muuqaaladii uu soo duubay oo si weyn looga falceliyey wuxuu ku adkeysanayay in uusan meelna uga socon halkaas "maadaama qabiilkiisu dego".

Sidda ay sheegeen dad u dhaqdhaqaaqa arrimaha bini'aadanimadda, al-Hwaiti waa la toogtay kadib markii uu muuqaalkiisii u dambeeyay kusoo bandhigay ciidamadda ammanaka oo si xoog ah ku galaya gurigiisa.

Mas'uuliyiinta Sacuudiga ayaa nan ka jawaabin dilka lagu eedeeyay. Warbaahinta oo xiriiro la sameysay laba mas'uul kama jawaabin.

Sikastaba, Al-Hwaiti ayaa kasoo jeeda qabiilka lagu magacaabo al-Huwaitat kaas oo dega saddex dal oo kala ah; Sacuudi Carabiya, Jordan iyo Masar. Muddo ka badan 800 [sideed boqol] oo sano ayaa lagu waramay in ay jiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM