ISLAMABAD, Pakistan – Baarlamaanka Pakistan ayaa laalay mooshinkii kalsooni kala noqoshada ee ka dhanka ahaa Ra'iisul Wasaare Imran Khan oo lagu eedeeyay "faragelin shisheeye".

Ku xigeenka afhayeenka baarlamaanka ayaa ku gacan seeray tallaabada ka dhanka ah Khan Axaddii, isagoo ku tilmaamay mid ka hor imaanaya qodobka 5aad ee dastuurka.

Shabakadda wararka ee Pakistan Dawn.com ayaa ku warrantay in marka loo eego qodobka 5-aad, “daacadnimada qaranku waa waajibaadka aasaasiga ah ee muwaadin kasta” iyo “u hoggaansanaanta dastuurka iyo sharciga waa waajib [ma-gacan ah] muwaadin kasta meel kasta oo uu joogo iyo qof kasta oo kale waqtigan ku sugan gudaha Pakistan."

Khudbad uu si toos ah uga jeediyay TV-ga ay dowladdu maamusho ee PTV, Khan ayaa sheegay inuu kula taliyay madaxweynaha inuu kala diro baarlamaanka uuna ku baaqo doorasho cusub.

"Marka ay talada gaarto madaxweynaha, golayaasha waa la kala diri doonaa taas oo ay raaci doonto habka loo dhisayo dowlad ku-meel-gaar ah," Khan ayaa yiri.

Ra'iisul wasaaraha Pakistan ayaa qorshu ahaa in maanta oo Axad ah uu wajaho codka kalsoonida kadib markii mucaaradka ay sheegeen in ay hayaan tiro ay xukunka ugu tuuri karaan.

Mucaaradku waxay u baahan yihiin aqlabiyad fudud oo ah 172 cod oo ka mid ah 342-ka kursi ee baarlamaanka Pakistan si ay meesha uga saaraan Khan.

Isbahaysigiisii yaraa balse muhiimka ahaa oo ay weheliyaan 17 xubnood oo xisbigiisa ah ayaa ku biiray mucaaradka si ay xilka uga qaadaan.

Maanta oo Axad ah, ayaa ciidanka amaanka la soo dhigay wadooyinka waawayn ee soo gala caasimadda gaar ahaan xurumaha diblomaasiyadeed, Baarlamaanka iyo xarumaha kale ee xasaasiga ah ee dowladdu ku leedahay caasimadda.

GAROWE ONLINE