Natiijada doorashada madaxtinimada Afghanistan oo lagu dhawaaqay

Image

KABUL, Afghanistan – Guddiga doorashooyinka Afghanistan ayaa goordhoweyd wuxuu ku dhawaaqay in Ashraf Ghani uu yahay guuleystaha coddeynta madaxtinimada ee dalkaas.

Ashraf Ghani, oo soo noday Wasiirka Maaliyadda, ayaa madaxweynaha waddankaas ah tan iyo bishii September ee sanadkii 2014-kii.

Cod-bixinta ayaa gobolada kala duwan ee waddankaas ka socotay muddo ku dhowaad shan bilood ah, iyaddoo ammaanka sarre loo qaadey.

Sidda ku xusan warbixinta guddiga, Ghani ayaa coddeynta dhacday 28-kii bishii September sanadkii lasoo dhaafay ee 2019-kii wuxuu ka helay natiijo gaareysa 50.64 boqolkiiba.

Siyaasiga aad ula olaalamay ee Cabdullaahi Cabdullaahi, kaasoo guuldarada dusha loo saariyey, ayaa helay 39.52 boqolkiiba.

Ku dhawaqista natiijadda oo dib loogu dhigay markii eedeymo la xiriira ku shubasho ay ka yimaadeen Cabdullaahi ayaa dhalisay in dib loo tiriyo.

Ghani iyo Cabdullaahi ayaa shantii sano ee lasoo dhaafay awooda isku weedaarsaday dowlad midnimo Qaran ah oo uu aas-aasey Mareykanka kadib musuq hareeyay coddeyntii 2014-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM