Nin diyaarad uu xaday ay la burburtay

Image

WASHINGTON — Nin u shaqeynayay shirkad diyaaradeed oo laga leeyahay magaalada Seattle ee dalkan Mareykanka ayaa xalay xaday mid ka mid ah diyaaradihi yaallay garoonka, kahor inta aysan diyaaradda kusoo dhicin jaziiradda Ketron ee gobolka Washington.

Taliyaha ciidanka booliska magaalada Pierce ayaa sheegay in nin 29 jir ah oo u shaqeynayay shirkadda diyaaradaha Horizon Air uu garoonka caalamiga ah ee Seattle-Tacoma ka qaatay diyaarad laba matoorreey ah nooceeduna ahaa Q400.

Boolisku waxay ninka falkani ku kacay ku tilmaameen inuu ahaa nin isdilayay.

Cajalad laga duubay qeybta laga xakameeyo diyaaradaha ee garoonka Seattle-Tacoma ayaa laga maqlay, Shaqaalaha haga diyaaradaha oo isku dayaya in ay ku qanciyaan nin ay ugu yeereen "Rich" inuu soo dajiyo diyaaradda.

Ninka ayaa ku jawaabay "...Waxaan ahay sabool, waxaana u maleynayaa in ay maskaxdu I dabacday."

Madaxa shaqaalaha shirkadda Horizon Air, Constance von Muehlen ayaa sheegtay in dhamaan shaqaalaha shirkadaha Alaska Air iyo Horizon Air ay ka xunyihiin geerida shakhsiga diyaaradda waday ee ay kadibna la burburtay.

Shirkadda Horizon wali ma aysan soo bandhigin magaca ninka diyaaradda soo dhacday.

Boolisku waxay sheegeen in diyaaradda marki ay hawada gashay ay ceyrsadeen laba diyaaradood oo ah kuwa dagaalka noocooduna ahaa F-15. Burburka diyaarada ayaa la sheegay in aysan ka danbeyn diyaaradahaasi milatari.

Related Articles

Japan oo markii ugu horreysay yeelatay Ra’iisul Wasaare dumar ah

Takaichi ayaa sidoo kale sheegtay in ay doonayso in ay dib u soo noolayso sumcadda xisbiga LDP.

  • Caalamka

    04-10-2025

  • 12:32PM

Netanyahu oo ka raali-geliyay Qatar weerarkii Doha

Ugu yaraan shan xubnood oo heer hoose ah oo ka tirsan Hamas iyo sarkaal amni oo Qatari ah.

  • Caalamka

    30-09-2025

  • 11:10AM