Nin "u gefay" diinta Islaamka oo maxkamad lagu dhex-toogtay

Image

ISLAMABAD, Pakistan – Maxkamad ku taala Waqooyi-Galbeed Pakistan waxaa shalay lagu dhex-toogtay nin lagu eedeeyay afgalaado ka dhan ah Diinta Islaamka iyo in uu sheegtay in uu yahay "Nabiga ugu dambeeya ee EBBE".

Tahir Ahmad Naseem oo kiiskiisa uu soo jiitamayey tan iyo 2018-kii ayay dhowr xabadood kaga dhacdey qeybaha sarre ee jirkiisa. Muuqaalo iyo sawiro laga soo qaadey goobta waxay qabsadeen baraha bulshadda dalkaas.

Booliska ayaa wariyey in ruux lagu magacaabo Khaalid uu qirtay in uu falkaas ka dambeeyay isla markaana ay baaritaano ku bilaabay eedeysanaha.

Kiisaska la xiriira Diinta ayaa xasaasi ka ah Pakistan, waxaana marka la dhageysanayo aad loo adkeeyaa amniga maxkamadaha. Balse, illaa iyo haatan ma cadda sidda uu latuhunsanaha ku helay hubka uu dilka ku geystay.

Naseem oo 47-sano jir ahaa wuxuu wajahayey dil toogasho maadaama sharciyadda u gefida Diinta Pakistan ay sidaas xeerinayaan in ay ciqaabtoodu tahay.

Ururada u dooda xuquuqda bini'aadamka ee isugu jira maxali iyo caalami ayaa ku hungoobay dalabyo ku aadan in dib u habeyn lagu sameeyo xeerarka. Xukuumadda waxay ku adkeystay in ay tahay xalka kaliya ee u furan.

Tobanaan ruux ayaa kiisas noocaan ah loogu dilay gudaha Pakistan. Wallow, aysan jirin cid lagu qaadey shuruucda tan iyo markii lasoo rogay.

Sanadkii 2018-kii ayaa waxaa dhacay xukun dunida ka yaabiyey kadib markii Maxkamadda Sarre ee waddankaas ay dambi ku weysay haween masiixi ah Asia Bibi, taasoo wajaheysay in ay aflagaadeysay Diinta suuban ee Islaamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyihii Ciidamada Xuutiyiinta Yemen oo la dilay iyo Israel oo sheegatay

Geerida Al-Ghamari waxay timid lix maalmood kadib markii la gaaray xabbad-joojin jilicsan oo uu Mareykanku garwadeen ka ahaa.

  • Caalamka

    16-10-2025

  • 05:43PM

Trump oo amray CIA-da inay ka fuliso Venezuela Hawlgallo ay duqeymo ku jiraan

Ilo-wareedyada ayaa sheegay in hawlgallada CIA-da ay ahaayeen kuwo si gaar ah loo qorsheeyay loona fuliyay.

  • Caalamka

    16-10-2025

  • 11:49AM