Ninkii ugu da'da waynaa dalweynaha Ruushka oo geeriyooday

Image

MOSCOW, Russia – Shaqsigii ugu da'da waynaa dalweynaha Ruushka ayaa ku geeriyooday da'da 123-jir, sidda ay baahisay wakaalada wararka dalkaasi.

Appaz Iliev oo mudooyinkii dambe xanuun wajahayey ayaa Jimcadii ku dhintay isaga oo ku jira qolka xaaladda degdega ah.

Ninkaan ayaa waxa kasoo jeeda gobolka waqoyga wadanka qabuubaha badan dhaca ee lagu magacaabo Ingushetia.

Madaxweynaha gobolkaasi, Yunus-bek Yevkurov, oo ku dhawaaqay dhimashada ayaa tacsi u diray ehelka marxuumka.

Yevkurov ayaa aad ugu ammaannay marxuumka doorka uu ka qaatay horumarka, is-dhexgalka iyo mideynta shacabka.

Iliev oo isbitaal ugu jiray sanadihii lasoo dhaafay xanuuno la xiriira da'diisa oo korortay ayaa waxa uu dhashay 1-dii Maaj sanadku markuu ahaa 1896-dii.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa’iil oo ka baxday wada-xaajoodka xabbad joojinta Qasa

Qatar, Maraykanka iyo Masar, ayaa dhaxdhaxaadinayay wada-hadallo ka socda caasimadda Dooxa

  • Caalamka

    27-03-2024

  • 09:18AM

Maraykanka: Tirada dadka la la’yahay ka dib dhacdadii Buundada Baltimore oo la shaaciyay

Burburka buundada ayaa la filayaa in uu saameyn ku yeesho isu socodka ganacsiga dalka Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2024

  • 05:57AM