Norway: Somali gurigooda lagu gubay

Image

27 Octobar, 2015(GO)-Wararka ka imaanaya dalka Norway ayaa sheegay in xalay dab la qabad siiyay guri ay daganaayeen qoys Somaliyeed oo ka koobnaa 12 ruux 6 ka mid ah Carruur ahaayeen.

Booliska Oslo Norway, ayaa sheegaya inay baarayaan dhacdadan cidda ka dambaysay, waxanaa guriga banaankiisa hore laga helay Caag laga daadiyay Baasiin loo malaynayo in loo adeegsaday hoyga la gubay.

Falkan oo ka dhacay magalada Ulstein ee dalkaasi, ma jirto cid waxyeello ka soo gaartay.

Lama garanayo sababta loo gubay guriga qoyskan Somalida ah, balse waxaa loo badinayaa inay qeyb ka tahay isir naceybka ka dhanka ah dadka soo galootiga ee kusii kordhaya dalalka reer galbeedka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM