​Obama oo u jawaabay Donald Trump

Image

Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa markii ugu horraysay ka hadlay eedo is xig xigay oo u jeediyay murashaxa Xisbiga jamhuuriga Donald Trump, kaasoo ku eedeeyay inuu ku fashilmay siyaasadda, sugidda amniga shacabka iyo waxka qabashada falalka islaamka xagjirka ah.

Barack  Obama, ayaa sheegay in siysaadda murashaxaasi tahay mid qaldan islamarkaana aanay wax micno ah samaynayn hadallada uu warbaahinta marinayo.

Wuxuu sheegay in weerarada kooxda isku magacowday Khilaafada Islaamiga ah ee Daacish ku doonayso qaabkii ay isugu diri lahayd muslimiinta iyo dalka Maraykanka.

Labada nin ayaan aragti  ahaan aad u kala fog, waxaana dhawaan madaxweyne Obama taageeray murashaxa xisbiga Dimuqraadiga Henlry Clinton isagoo ugu hambalyeeyay guusha ay gaartay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM

Ingiriiska oo shaaciyay goorta uu dhaqan gelinayo sharciga Musaafirinta muhaajiriinta

RW Sunak ayaa xaqiijiyay in la dhaqan gelin doono qorshaha lagu masaafurinayo magangalyo doonka Rwanda.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:10PM