Obama: waan ka jawaabeynaa weerarkii lagu soo qaaday Sony

Image

December 20, 2014 (GO)- Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay in Maraykanku jawaab deg deg ah ka bixin doono weerarkii dhanka internetka ee lagu soo qaaday kumbuyuutarrada shirkadda filimada soo saarta ee Sony Pictures Entertainment.

Obama oo shalay oo Jimce ahayd jeediyey khudbaddiisii sanadlaha ahayd wuxuu intaas ku daray in sinaba aan loo aqbali karin quwadaha kaligii taliska ahi inay faaf-reeb ka sameeyaan gudaha Maraykanka waa sida uu hadalka u dhigaye.

"waxay geysteen khasaare baaxad leh waanuna ka jawaabi doonnaa taas, waxan uga  jawaabi doonnaa habka, goobta iyo waqtiga ay ku haboon tahay" Obama ayaa sidaas yiri isagoo dhanka kale dhaliilay go'aankii shirkadda Sony ku joojisey baahinta filimka.

Sirdoonka Maraykanka ayaa xaqiijiyey in weerarkii lagu soo qaaday kumbuyuutarrada Sony laga soo abaabulay dalka Waqooyiga Kuuriya.

Kooxda weerarka soo qaaday ayaa ku hanjabtay inay tirtiri doonto dhammaan macluumaadka shirkada haddii ay baahiso filim dhowaan lasoo saaray  oo lagu magacaabo The Interview. Filimka oo majaajilo (Comedy) ah waxaa si jees jees ku jiro loogu khaarijinayaa hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriy Kim Jong-un.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM