Kagame oo ku guuleystay Doorashada

Image

Taageerayaasha Madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame, ayaa bilaabay inay dabaaldegaan kaddib markii lagu dhawaaqay inuu mar saddexaad si weyn ugu guulaystay inuu xilka sii hayo.

Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in natiijada hordhaca ah ee doorashadii madaxtinimada ee Jimcihii uu Mr Kagame ku guulaystay boqolkiiba 98 cododkii la dhiibtay, taas oo ay kula tartamayeen laba qof oo aanan sidaa loo aqoon.

Kagame oo 56 sano jir ah, ayaa xilka hayay 17-kii sano ee la soo dhaafay.

Taageerayaashuna waxa ay ku amaaneen in dalka uu ku soo dabaalay xasilooni, dhaqaalahana uu horumariyay kaddib xasuuqii 1994-kii.

Hasayeeshee dadka ka soo horjeeda oo intooda badan ku nool dalka dibaddiisa ayaa waxa ay ku eedaynayaan inuu dalka ku xukumo cabsigelin iyo caburin uu ku hayo dadka isaga ka soo horjeedo.

Garowe Online + BBC

Related Articles

Taangiyadda Yahuuda oo lagu arkay magaalo ku dhow xuduudka Masar

Tallaabadan ayaa timid saacado ka dib markii Xamaas ay ku dhawaaqday inay aqbashay hindise xabbad-joojin ah.

  • Caalamka

    07-05-2024

  • 03:46AM

Khasaaro ka dhashay duqeyn ay Yahuuda ka geysatay Bariga Lubnaan

Yahuuda ayaa horey weerartey koonfurta Lubnaan kaasoo ay ku dishay afar xubnood oo hal qoys ah.

  • Caalamka

    06-05-2024

  • 04:17AM