Pope Francis oo booqanaya dalka Kenya

Image

25 November, 2015(GO)-Baadariga madaahibta Catholic-ga ee diinta masiixiyadda Pope Francis ayaa ku soo wajahan dalka Kenya oo ay uga bilaabaneyso booqashadii ugu horeysay ee Afrika uu ku yimaado.

Inta ay u socoto booqashadiisa shanta maalin ah, Pope-ka waxaa la filayaa inuu ka hadlo isu dulqaadashada iyo sida loogu baahan yahay inay wada hadlaan muslimiinta iyo masiixiyiinta.

Sababtya uu uga hadlaayo wadahadalka waxaa dhalisay weerar ay koox hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay dhowr jeer ku qaadeen dalka Kenya.

Weerarada waxaa ka mid ahaa mid lagu qaaday dhismaha ganacsiga ee Westgate oo ku dhowaad 70 qof ay ku dhinteen, iyo kii lagu qaaday jaamacadda garissa ee lagu dilay qiyaastii 150 qof.

Pope-ka waxa uu sidoo kale booqan doonaa, Ugandha oo weeraro dhowr ah ay ka dheceen iyo Jamhuuriyadda bartamaha Afrika oo ay ka taagan yihiin rabshado u dhexeeya Muslimiinta iyo masiixiyiinta.

Xigasho:BBC

 

Related Articles

Israa'iil oo gantaal ku garaacdey magaalo ku taalla bartamaha Iran

Warsidaha afka dheer ee Fars ayaa tabiyay in qaraxa uu ka dhacay magaalada Qahjaverestan.

  • Caalamka

    19-04-2024

  • 03:36AM

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM