Putin oo ku guuleystay doorashada Ruushka

Image

MOSCOW - Madaxwayne Vladimir Putin ayaa 6 sano oo kale xafiiska sii hayn doona ka dib markii uu si wayn ugu guulaystay doorashadii dalkaasi ka dhacday.

Khudbadda guusha oo uu ka jeediyay magaaladda Moscow ayaa waxa uu sheegay in natiijada doorashada uu u arko in ay tahay kalsooni la siiyay waxqabadkiisa.

Madaxwayne Putin ayaa sidoo kale ku baaqay midnimo iyo isku duubnaan. Madaxweynaha ayaa bogaadiyay guusha uu ka gaaray doorashada madaxtinimda Ruushka, waxaa uuna sheegay in arrintani ay ku timid waxqabadkiisa.

Mar u ka hadlayay isu soo bax balaaran oo lagu qabtay bartamaha cassimada Moscow ayaa madaxwayne Putin waxaa uu sheegay in natiijada doorashada ya ka tarjumeeyso kalsooni iyo ay shacabka ku qabaan.

Madaxwayne Putin ayaa waxba kama jiran ku tilmaamay su'aalaha ku saabsan in uu xilka hayni doono inta cumrigiisa ka dhiman.

Mr Vladimir Putin ayaa dalka Ruushka ka talinayay tan iyo sanadii 1999 oo uu mar ahaa rai'sul wasaare. Madaxwayne Putin ayaa waxaa doorashadan kula loolamaysa 7 musharax oo kale .

Hogaamiyahii Mucaaradka ee ugu cadcaddaa doorashada Alexei Navalny ayaa laga mamnuucay in uu doorashada ka qeybqaato.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Rubio oo Qatar u tegay si uu uga shaqeeyo joojinta dagaalka Gaza

Rubio ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxda Qatar si uu uga wada hadlo suuragalnimada xal nabadeed.

  • Caalamka

    16-09-2025

  • 09:41AM

Madaxweynaha Iran: Dalalka Muslim-ka waa inay xiriirka u jaraan Israel

Iran ayaa dagaal la gashay Israel June 2025, waxayna u dhigtay cashar lama illoobaan ah maamulka Netanyahu.

  • Caalamka

    15-09-2025

  • 09:18AM