Qaab cusub oo uu qofka ku ciil bixi karo markuu careysan oo la hindisay

Image
Image

AMMAN, Jordan – Maalin walba dunida waxaa lagu soo kordhiyaa feker cusub oo uu bini'aadamku hindisay, jinsiyaduu doono ha haystee, haba ku kala duwanaadeen faa'idooyinka ay leeyihiin.

Dalka Jordan waxaa laga hir-geliyay xarun ka kooban qolal dhowr mitir ah, kuwaasi ooh al ruux ama laba ay galayaan si ay ugu soo ciil baxaan marka uu jiro xanaaq ama si kale loo hayo.

Qolalkaasi waxaa laga helayaa agab kala duwan kuwaasi oo uu qofka siduu doonayo u jajabin karo, balse kaliya uu bixinayo lacag kiro ah.

Shaqsi kasta waxaa loo xirayaa dhar loo diyaariyay in ay ka difaacaan hadaarida walxaha uu ku ciil-baxayo si aysan dhibaato ugu geysan jirkiisa.

Halka mar oo uu qofka galo goobtaasi waxaa laga doonayaa aduun lacageed dhan 17 dollar. Qalabka laga helayo waxaa kamida dhalada Tv-ga.

Macaamiisha oo si joogto ah u yimaada xaruntaan ku taalla magaalada caasimada ah ee Amman ayaa sheegaya in ay isaga dejiyaan cadaadis nolol maalmeedka.

Ala'din Atari, aas-aasaha Axe Rage Rooms ayaa sheegaya in agabka la burburinayo aysan ahayn kuwa qiimo badan ku fadhiya.

"Waxa aan siinayo waa waxa ay ku burburin karaa xitaa marka ay gurigooda joogaan … hadafkuna waa in ay ku baashaalaan," ayuu xusay.

Dadka ugu badan ee xaruntaan yimaado ayaa ah dhibanayaasha jaceylka, sidda uu ka dhawaajiyay Ala'din Atari.

Hamza Al-Arabi, mid kamida macaamiisha, ayaa rumeysan in kaliya hurdada aysan ahayn qaabka aad niyad jabka isaga baabi'in karto.

"Waxaad u baahan tahay in aad gacmaha wax ka sameyso … sidaasi awgeed halkaan ayaan imaanaa oo aan ku xasilnaa, kuna faraxnaa," ayuu kusoo xiray.

Kalyeentiga xaruntaan timaada oo maalintii gaaraya 10 ruux ayaa u badan lamaane kuwaasi oo midba kan kale uu ku tuurayo qalab si ay uga hortagaan caqabadaha noloshooda soo wajaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM

Booliska Kanada oo lumiyay raadadka dahabkii ugu badnaa taariikhda dalkaas ee la dhaco

Dahab qiimihiisu gaaraya $16 Milyan oo Dollar ayaa sanadkii hore laga dhacay Shirkad ka dhisan Kanada.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:15AM