Qaar kamida gobolada Mareykanka oo soo rogay xayiraado Covid-19 dartiis

Image

WASHINGTON, US - Iyadoo kiisaska guud ee cudurka covid19 ee Mareykanka ay kor u dhaafeen 11 milyan, ayaa qaar ka mid ah guddoomiyayaasha gobollada, waxay soo saareen awaamiiro cusub oo lagu xaddidaayo dadka si loo yareeyo faafitaanka coronavirus.

Guddoomiyaha gobolka Michigan Gretchen Whitmer, ayaa ku dhawaaqday in la mamnuucey cunnada maqaayadaha la fariisto, ardada dugsiyada sare iyo kuleejyada ee fasallada xaadira, shaneemooyinka iyo kuwa goobaha kasiinada ee lagu cayaaro qammaarka. Waxay Whitmer sheegtey in isku imaanshiyaha guryaha aan ka badnaan karin illaa iyo 10 qof.

Waxay ka dhawaajisay in xaalad aad u xun ay wajahayaan hadda, loona baahan yahay in la qaado tallaabo wax looga qabanaayo faafista coronavirus.

Gobolka waqooyi bari ee Washington, guddoomiye Jay Inslee, waxa uu isna mamnuucay ka cunteynta maqaayadaha la fariisto, waxana uu dukaamada tafaariiqda gada ku amrey in ay macaamiishooda gudaha galeysa ku koobaan xaddigooda 25%.

Isku imaanshiyaha dibadda, ayaa lagu koobay illaa iyo shan qof oo kaliya, halka midka guryahana la mamnuucey in dad aan guriyahaasi degganeyn isku yimaaddaan.

Intii lagu guda jirey isbuucii dhammaaday, Mareykanka ayaa rikoor cusub oo kiisaska maalinlaha ah sameeyay, waxana maalinkii la soo warinayay ku dhawaad 150,000 oo kiisas cusub, sida ay shaacisay jaamacadda Johns Hopkins.

In ka badan 246,000 ayaa gudaha Mareykanka ugu dhintay COVID-19, taas oo ka dhigaysa in dalkani uu yahay kan ugu horreeya ee dhinaca dhimasha cudurka.

VOA

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM