Qaar kamida gobolada Mareykanka oo soo rogay xayiraado Covid-19 dartiis

Image

WASHINGTON, US - Iyadoo kiisaska guud ee cudurka covid19 ee Mareykanka ay kor u dhaafeen 11 milyan, ayaa qaar ka mid ah guddoomiyayaasha gobollada, waxay soo saareen awaamiiro cusub oo lagu xaddidaayo dadka si loo yareeyo faafitaanka coronavirus.

Guddoomiyaha gobolka Michigan Gretchen Whitmer, ayaa ku dhawaaqday in la mamnuucey cunnada maqaayadaha la fariisto, ardada dugsiyada sare iyo kuleejyada ee fasallada xaadira, shaneemooyinka iyo kuwa goobaha kasiinada ee lagu cayaaro qammaarka. Waxay Whitmer sheegtey in isku imaanshiyaha guryaha aan ka badnaan karin illaa iyo 10 qof.

Waxay ka dhawaajisay in xaalad aad u xun ay wajahayaan hadda, loona baahan yahay in la qaado tallaabo wax looga qabanaayo faafista coronavirus.

Gobolka waqooyi bari ee Washington, guddoomiye Jay Inslee, waxa uu isna mamnuucay ka cunteynta maqaayadaha la fariisto, waxana uu dukaamada tafaariiqda gada ku amrey in ay macaamiishooda gudaha galeysa ku koobaan xaddigooda 25%.

Isku imaanshiyaha dibadda, ayaa lagu koobay illaa iyo shan qof oo kaliya, halka midka guryahana la mamnuucey in dad aan guriyahaasi degganeyn isku yimaaddaan.

Intii lagu guda jirey isbuucii dhammaaday, Mareykanka ayaa rikoor cusub oo kiisaska maalinlaha ah sameeyay, waxana maalinkii la soo warinayay ku dhawaad 150,000 oo kiisas cusub, sida ay shaacisay jaamacadda Johns Hopkins.

In ka badan 246,000 ayaa gudaha Mareykanka ugu dhintay COVID-19, taas oo ka dhigaysa in dalkani uu yahay kan ugu horreeya ee dhinaca dhimasha cudurka.

VOA

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM