Qarax ka dhacay Bangi ku yaalla Kabul

Image

KABUL, Afghanistan - Ugu yaraan shan qof ayaa ku geeriyootay, 9 kalena way ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ah, oo saaka ka dhacay bartamaha magaalada Kabul, ee xarunta dalka Afghanistan.

Afhayeenka u hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalkaasi ayaa sheegay in qaraxa uu fuliyay nin isku soo xiray walxaha qarxa, kaasi oo bartilmaameedsadey Bangiga Kabul, xilli dad badan safaf ugu jiraan inay lacago mushaaraad ah ka qaataan.

Taliban ayaa sheegatay mas'uuliyada qaraxa magaalada Kabul.

Goobta uu qaraxan ka dhacay waxaa ku dhaw Saafarrado badan, oo mida Mareykanka ay kamid tahay, balse lama sheegin khasaaraha soo gaarey Diblimaasiyiinta halkaasi ku sugan.

Tirada dhimashada ayaa laga cabsi qabaa inay ka badato 5 qof, maadaama ay jiraan dad badan, oo soo gaarey dhawacyo culus, kuwaasi oo ka dhigay Isbitaaladda, sida ay sheegtay Wasaarada Caafimaadka.

QM ayaa sheegtay in Qaraxan uu qeyb ka yahay silsilada weeraro ah oo ka dhacaya magaalada Kabul, kuwaasi oo ay ku dhinteen 209 qof, halka 777 ruux kale ay ku dhaawacmeen tan iyo billowga sanadkan.

Dowladda Madaxweyne Ashraf Ghani ayaa dhawaan qaadey howlgal ka dhan ah Kooxaha Minditiinta ay Taliban kamid yihiin, si ay uga hortagto weerarada joogtada ah ee ka dhacaya wadankaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM