Qarax ka dhex-dhacay Masjid oo lagu dilay dad uu Imaamka ku jiro

Image

ISLAMBAD, Pakistan - Inta la xaqiijiyey saddex qof ayaa ku dhimatay, 28 kale waa dhaawac markii qarax lagu beegsaday Masjid ku yaala gobolka Galbeedka dalka Pakistan dhaca ee Quetta, maanta oo Jimce ah.

Weerarka ayaa ka dhacay gudaha Masaajidka kahor Salaada Jimcaha, sidda uu sheegay Abdul Razzaq Cheema, oo ah taliyaha booliska magaaladda, kaasi oo raaciyey in saddex kamida dhaawac ay xaalad halis ku jiraan.

Tauseef Farman, sarkaal ka tirsan bileyska maxaliga, ayaa u sheegay talafishinka Al Jazeera, qaraxa oo ka dhacay afaafka hore ee Imaamka ku tujinayay Salaada, kaasi oo dadka la khaarijiyey ku jira.

Wadaadka oo in badan kasoo muuqan jiray muuqaal baahiyeyaasha maxaliga ah ayaa taageero u ahaa dowladda oo si adag u cambaareysay falkaasi ay ku sifeysay "mid argagixisinimo".

Hay’addaha amaanka oo durba meesha ay wax ka dhaceen tegay ayaa bilaabay baaritaan ku saabsan weerarka, sidda uu ka dhawaajiyay Abdul Razzaq, kaasi oo rajo ka muujiyay in xaqiiqada la heli doono.

Muuqaalo ayaa muujinaya in qaraxa uu si daran u sameeyay Masjidka oo ahaa mid iska yar, isla markaana uu burbur lixaad u geystay saqafka sare si lamida dhulka, iyada oo uu go'ey sumacii fidsanaa.

Ma jirto illaa iyo haatan koox dusha saaratay mas'uuliyadda dhacdadaan, wallow gobolkaasi oo aad ugu badan rabshadaha noocaan ah ay ka howlgasho Kooxda la magac-baxday dowlada Islaamka.

Quetta, oo magaala madaxdiisu ay tahay Balochistan, kaasoo ah gobolka ugu wayn iyo midka ugu dadka badan wadanka Pakistan, ayaa waxa uu qanni ku yahay macdanta iyo kheyraadka Shidaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM

Ingiriiska oo shaaciyay goorta uu dhaqan gelinayo sharciga Musaafirinta muhaajiriinta

RW Sunak ayaa xaqiijiyay in la dhaqan gelin doono qorshaha lagu masaafurinayo magangalyo doonka Rwanda.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:10PM