Qofkii ugu horeeyay oo Covid—19 ugu dhintay waddanka Kuwait

Image

KUWAIT CITY, Kuwait – Dowladda Kuwait ayaa Sabtidii waxay shaaca ka dhigtay geeridii ugu horeysay oo ka dhalatay Coronavirus xili wadarta guud ee kiisaska ay ku dhow yihiin 500 [shan boqol].

Afhayeenka wasaaradda caafimaadka, Abdullah al-Sanad, ayaa wuxuu soo wariyey in muwaadin u dhashay Hindiya oo 46-sano jir ah uu dalkaas ugu dhintay fayruskaas safmareenka ah.

Wakaalada wararka u faafisa xukuumadda ee KUNA ayaa tilmaamtay in kaliya shalay la xaqjiyey kiisas cusub oo gaaraya lixdan iyo laba [62].

Al-Sanad ayaa wuxuu daboolka ka qaadey in dadka kasoo kacay caabuqa ay illaa iyo haatan marayaan sagaashan iyo saddex.

Balse ma uusan kala caddeyn hadii uu ahaa qof degaanka ah ama in uu ahaa dhowaan-gal. Si lamid ah, ma uusan sheegin hadii lagu aasi doono dalkaas ama in ay ku wareejin doonan Dehli.

Covid—19 oo bishii December ee sanadkii 2019 kasoo bilowday bartamaha Shiinaha ayaa ku faafay 181 wadan.

Guud ahaan caalamka, cudurka ayaa soo ritay in ka badan hal milyan oo ruux; waxaa u dhintay dad kor-u-dhaafaya 60-kun, waxaan kasoo kabtay 233,600, sidda ay sheegtay Jaamacada Johns Hopkins.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa'iil oo gantaal ku garaacdey magaalo ku taalla bartamaha Iran

Warsidaha afka dheer ee Fars ayaa tabiyay in qaraxa uu ka dhacay magaalada Qahjaverestan.

  • Caalamka

    19-04-2024

  • 03:36AM

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM