Queen Elizabeth: Todoba shey oo aysan cunin ama cabin boqoradda UK

Caalamka
By WARIYAHA MUQDISHO , GAROWE ONLINE
Haweenayda 93-sano jirta ah ayaa leh shuruuc gaar u ah marka la yimaado miiska cunada.

LONDON, United Kingdom — Qaab nololeedka boqorad waxay malaha xad-dhaaf la tahay dadyowga aan ka tirsaneyn qoyska boqorada, balse marka ay boqorad Queen Elizabeth timaado xiliga cuntada, dhadhankeeda aad buu u liitaa.

Aroortii waxay ka heshaa ukun iyo shaaxa lagu daray liin. Malayga iyo rootiga dheecaanka leh waxay xiiseysaa qadada. Balse maxay yihiin cunooyinka ay u badan tahay kuwaas oo ogolaanshiyaha aan looga baahneyn?

Darren McGrady, oo muddo dheer soo ahaa cunta kariyaha qaaska ah ee boqorada, ayaa majalada The Telegraph uga waramay mawduucaas oo dad badan ay aad ugu dheg-raacinayaan in ay wax badan ka ogaadaan.

Boqoradu dhibaato ba'an kuma qabto cuntada, balse waxaa jirta shuruuc hageysa cuntadeeda. Hadaba, waxaan halkaan idin kugu soo gudbin doonaa todoba shey oo boqorada aysan cunin ama cabin.

Cunooyinka urta leh: Tusaalaha ugu wanaagsan waa basasha iyo toonta. Boqoradu waxay aaminsan yihiin in ay lamid noqonayaa bulshada hadii ay adeegsadaan.

Balse, cunta kariyaasha waa loo ogol yahay xoogaa marka ay dalacayaan cunooyinka ay ka hesho boqorada ama ay hilib karinayaan.

Ukunta cad: Inkastoo ukunta ay kamid tahay cunooyinka ay doorbido, ma ahan nooca cad, waxay ka heshaa nooca midka kafeyga ah leh, sababtu waa in ay aaminsan tahay in ukunta midkaas leh ay dhadhan fiican leedahay.

Rootiga adag: Wallow rootiga uu yahay dookheeda galabtii, haddana ma ahan midka adag, waxay xiiseysaa kan jilicsan in ay shaaxeyso casarkii.

Baastada iyo bataatiga: Boqorada aad bey uga fogaataa in ay kaligeed cunto burka. Qadadii waxay jeceshay cunto fudud oo u badan cansalaatada; kaluun ama digaag shiilan ay wehliso qudaar.

Hilibka ceyriinka ah: Xitaa midka dhex-dhexaadka ah kama hesho, waxay aad u cuntaa hilibka sidda wanaagsan loo kariyey isla markaana aad u bisil.

Muuska oo dhan: Qeybta sare iyo hoose ayay ka jartaa muuska kadibna waxay u jarjartaa cad-cad, kadibna mid-mid yay u qaadaneysa iyaddoo adeegsaneysa fargeeto.

Shaaxa sonkorta ku badan tahay: Hadii aad u keento shaax macaan badan waxaad ku ciyaartay maalinteeda, ma xiiseyso shaax sonkor leh, kaliya waxay ku darsataa xoogaa caano ah, hadii uusan ahayn midka subaxii ee Liinta leh.

GAROWE ONLINE

Wararkii ugu dambeeyey