Ra'iisul Wasaraha DF oo booqasho ku tagay Xeryaha Qaxootiga

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Dhadhaab [GAROWE ONLINE]- Ra'iisul Wasaraha DF Cabdiwali Shiikh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta 22 August,2014 oo Jimce ah socdaal aan horay loo shaacin ku tagay xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee Kenya.

Waxaa ku weheliyay socdaalkan wasiirka arrimaha gudaha, masuuliyiin ka tirsan Kenya, siyaasiyiin kasoo jeeda Gobolada Waqooyi Bari Kenya iyo saraakiil ka socda Hay'adda Qaxootiga aduunka UNHCR waxayna u guur galeen xaalada dhabta ah ee ay ku sugan yihiin kumanaanka kun ee qaxootiga Soomaaliyeed.

Cabdiwali Shiikh Axmed ayaa booqday dhowr xarumood oo ku yaala xerooyinka ay Dhadhaab ka kooban tahay kuwaasoo ay ka mid yihiin goobaha caafimaadka,waxbarashada iyo xarumaha dadkan looga taliyo.

Horjoogayaal matalayay qoysaskan qaxootiga ah ayuu kulan la qaatay Ra'iisul wasaare Cabdiwali iyadoona labada dhinac ka wada hadleen xaalada dhabta ah ee ka jirta xarumahaan iyo sida loogu baahan yahay in wadanka nabadgalyadii looga shaqeeyo.

''70% qaxootigu waa dhalinyaro u baahan in mustaqbal wanaagsan iyo shaqooyin noloshooda ku maareeyaan loo abuuro, tusaale ahaan xeryaha qaxootiga waxaan imid anigoo afar sano jir ah, waxaan hada haystaa labo caruur ah, waxaana ka mid noqday gudi xeryaha ka baxay oo booqasho ku tagay Kismaayo, waxaan booqanay iskuulada, waxaana noo muuqatay in manhajka waxbarasho ee dalku inuu yahay mid isku dhex yaacsan, waxaan dowalada ka codsanaynaa in soo celiyaan adeegyada bulshada si dadku dib ugu noqdaan dalkooda” ayeey tiri Faadumo oo ku hadlaysay magaca gudiga xeryaha.

Ra'iisul wasare Cabdiwali Shiikh Axmed ayaa sheegay inay ka shaqayn doonaan sidii wax looga qaban lahaa tabashooyinka ay Qaxootiga Somaliyeed usoo jeediyeen wuxuna sheegay inay dadkani yihiin xoog ka maqan dalka loona baahan yahay inay dib ugu soo laabtaan.

'' Majiro qof jecel in uu noloshiisa ku dhamaysto qaxootinmo, dadka hada ku jira xeryahaan waxay sii marayaan jiilkii sadexaad, waxaa lagama maarmaan ah inaan isku darsano caqliga si aan xal waara ugu helno arinta qaxootiga , aniga iyo xukuumadayda oo kaashanaya madaxweynaha iyo xildhibaanada  waxaan dadaal u galaynaa sidii aan qaxootiga dib ugu soo celin lahayn dalka, maxaa yeelay waa xoog ka maqan dalka, oo wax badan ku soo kordhinaya” Cabdiwali Axmed ayaa sidaasi warbaahinta u sheegay.

Socdaalkan uu RW Dalka ku tagay xeryaha qaxootiga Dhadhaab ayaa daba socda shir arrimaha Qaxootiga looga hadlayay oo ka qabsoomay magalada Addis ababa kaasoo ay kasoo qayb galleen dalalka marti galiyay dadka Soomaaliyeed waxayna ugu danbayntii balan qaadeen inay sii hayn doonaa qaxootiga inta ay dib ugu laabanayaan dalkooda.

Dhinaca kale dowlada Kenya ayaa ku eedeeysay dowlada Federaalka Somalia iney ka baxdey heshiis dob loogu celinayo qaxootiga Somalida ee ku nool xeryahaan iyadoo aan la shaacin sababta.

Waa masuulkii ugu sareeyay oo DF ka socda isla markasna 24-sano ka dib socdaal ku tagay xeryaha qaxootiga Soomaalida ee Kenya halkaasoo la sheegay inay ku sugan yihiin nus malyuun Soomaali ah oo ka cararay dagaaladii dalka ka dhacay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM