Ra'iisul wasaare dib u bilaabay shaqo uu joojiyey Coronavirus awgii

Image

LONDON, UK – Ra'iisul wasaaraha Jamhuuriyada Ireland ayaa dib ugu laabtay shaqada dhakhtarnimada si uu u caawiyo howlwadeenada ku howlan xakameynta Coronavirus, sidda ay ku warantay warbaahinta dowlada.

Sidda ay ku warantay wakaaladda wararka RTE, Leo Varadkar ayaa wuxuu gelin [shirt] ka shaqeyn doonaa todobaad walba.

Varadkar ayaa dhakhtar ahaa todoba sano kahor inta uusan siyaasada kusoo biirin. Sanadkii 2013-kii ayuu hakiyey xirfadaas.

RTE ayaa baahisay in Varadkar uu isagu iska diiwaan-geliyey Waaxda Caafimaadka bishii lasoo dhaafay ee Maaj, si uu u xoojiyey ololaha socda.

Doorkiisa shaqo ayaa noqon doonta in uu ka jawaabo isla markaana uu kormeero wicitaanada telefoonada ee ka imaanaya shaqaalaha.

Kiisaska Covid-19 ee Ireland, sidda ku cad warbixinta caafimaad, ayaa kor-u-dhaafaya 400, iyaddoo dhimashadda ay ka badan tahay 20.

Caalamka oo idil, cudurkaas safmareenka ah ayaa ku dhacay in ka badan 1.4 milyan oo ruux, waxaana u geeriyooday dad tiradoodu ka badan tahay 65-kun oo ruux, waxaad sareysa cabsida laga qabo in ay sii kororto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM