Ra'iisul wasaare is-casilay markii uu soo dhisi waayey gole wasiiro cusub

Image

BAYRUUT, Lubnaan - Ra’isul wasaarihii cusubaa ee Lebanon ayaa Sabtida maanta ah shaaciyey in uu is-casilay markii uu ku guul-darreystay dadaal muddo bil ah qaatay oo uu ku rabay in uu ku soo magacaabo xukuumad cusub.

Mustapha Adib oo telefishinka dowladda kala hadlay shacabka ayaa wuxuu sheegay in go'aankaan kama dambeysta ah uu qaatay ka gedaal markii uu kulamo xal raadin ah uu la qaatay madaxweyne Michel Aoun.

Danjirihii hore ee Lubnaan u fadhiyey caasimada Jarmalka ee Berlin ayaa lasoo xushay 31-dii bishii hore ee August kadib qaraxyadii ka dhacay dekada Bayruut kuwaasoo galaaftay nolosha in ka badan 200 oo ruux.

Telefishinka Al Jazeera ayaa tabiyey in magacaabida xukuumada cusub ay hareeyeen khilaaf ka dhashay codsiyo ka yimid xoogaga siyaasada ee Shiicada ah kuwaasoo dalbaday in ay xubno ku yeesheen Golaha Wasiirada.

Lubnaan oo Suniyiinta, Shiicada iyo Masiixiinta ay kuwada joogaan heshiis awood qeybsi ah ayaa haatan u muuqata mid qarka u saaran maqnaanshiyo dastuuri ah hadii aan si deg-deg ah xal looga gaarin is-mari-waaga.

Dowladda Faransiiska oo waday dedaalo ay isugu soo dhaweyneyso hogaamiyeyaasha siyaasada kala fog ee Lubnaan ayaa hadda la kulmeysa dhabar-jab maadaama magacaabida xukuumad cusub uu qorshaheeda kamid ahaa.

Madaxweynaha France, Emmanuel Macron oo booqashooyin ku tegay Lubnaan ayaa kamid ahaa xubnaha ku taliyey magacaabida Adib taasoo la macno ah in uu u arkayey mid dardargelin kara jadwalka Paris u deganaa.

Isagoo kadib is-casilaada Adib war-fidiyeenka kula hadlay caasimada Bayruut, madaxweyne Michel Aoun ayaa carabka ku dhuftay in Lubnaan ay geli doonto "cadaab" hadii xukuumad cusub ee lagu soo dhisin sidda ugu dhaqsiyaha badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: NATO Waxay Wajihi Doontaa Mustaqbal Adag Haddii Marinka Hormuz La Furi Waayo

Trump ayaa sheegay in dalalka ka faa’iideysta marinkan — gaar ahaan Yurub iyo Aasiya…

  • Caalamka

    16-03-2026

  • 01:10PM

Garoonka Diyaaradaha Dubai oo lagu Weeraray Diyaaradaha drones-ka

Weerarkan ayaa qayb ka ah guluf ballaaran oo Tehran ay ku beegsanayso goobaha ganacsiga iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee dalalka Khaliijka.

  • Caalamka

    16-03-2026

  • 12:08PM