Ra'iisul wasaarihii hore ee Malaysia oo la xiray [Sababta]

Image

Kuala Lumpur - Saraakiisha amaanka Malaysia ayaa xiray Ra'iisul Wasaarihii hore ee dalkaasi, Najib Razak oo mudooyinkii dambe uu ku socday baaritaan la xiriira edeymo la xiriira musuq-maasuq iyo lunsasho hantida dowladda.

Warbaahinta dowladda Malaysia ayaa sheegtay in Najib Razak lagu xiray maanta oo Talaado ah magaalada Kuala Lumpur, waxaana lagu wadaa in maalinta berri ah [Arbaco] lasoo taago maxkamad.

Najib Razak ayaa ku socday baaritaan ku aadan $4 billion oo lagala baxay Sanduuqa Maalgashiga Malaysia [1Malaysia Development Berhad] oo isaga uu aas-aasay 2009 markii loo doortay xilka Ra'iisul Wasaaraha.

Kiiskan Musuq-maasuq ee kusoo baxay, ayaa horseeday in Najib Razak looga guuleystay doorashadii 9-kii bishii May ka dhacday dalkaasi, taasi oo ku adkaaday Mahathir Mohamad.

Mahathir Mohamad ayaa sameeyay gudi baaritaan markii uu xukunka la wareegay, si uu wax uga qabto musuq-maasuqa baahsan ee ka jiray dalkaasi kahor inta uusan noqon Ra'iisul Wasaaraha.

Xarigiisa ayaa yimid maalin kadib markii wiil ay dhashay xaaskiisa oo lagu magacaabo Riza Aziz ay u yeertay Hay'ada la dagaalanka Musuq-maasuqa Malaysia, oo su'aallo laga waydiiyay waxa uu ka ogyahay lacagta la la'yahay ee ka maqan Sanduuqa Maalgashiga dowladda [1MBD].

Eedaymaha loo xiray Najib Razak marka laga soo tago $4 billion ee la la'yahay, waxaa kamid ah in lacag gaareysa $700 million lagu shubay Akoonkiisa gaarka ah, taasi oo isaga si gaar ah u adeegsaday.

Dowladda Malaysia ayaa xannibtay 408 Akoono Bangi oo ku lug yeeshay lacagaha lagala baxay 1MBD oo loo maleynayo in lagu shubay qaab aan sharci ahayn [money laundering], waxaana ku socda baaritaan xooggan oo lagu daba-galayo lacagaha maqan.

Illaa lix dal ayaa la sheegay in loo kala xawilay lacagta la musuq-maasuqay.

Booliska Malaysia ayaa todobaadkii tagey shaaciyay in ay qabteen Dahab lagu qiimeeyay 275 Milyan oo Doolar kaasi oo ay leedahay xaaska Najib Razak, waxaana hantidan la wareegtay dowladda.

Najib Razak ayaa loo diiday dhawaan inuu dalka Malaysia ka baxo, waxaana lagu soo rogay xannibaad dhanka safarka ah illaa Kiiskiisa ay go'aan ka gaarasyo Maxkamadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM