Rasaas laga maqlay aaga milatariga ka caagan ee labada Kuuriya

Image

WASHINGTON, US - North Korea ayaa rasaas ku furtay xarun ay ku sugnaayeen ilaalada xadka ee South Korea oo ku taal xudduudda aadka loo ilaaliyo ee kala qeybisa labada dal, milatariga Seoul ayaa sidaas sheegay Axada maanta ah.

Ma jirto wax khasaare ah ama burbur ay rasaastaasi u gaysatay dhanka South Korea, laakiin millatariga dalkaasi ayaa rasaas jawaab celin ah furay iyagoo digniin ka baahiyay xadka, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada ee South Korea.

Ma cadda sababta keentay in North Korea ay rasaas ku furto ciidamada ilaalada xadka ee South Korea. South Korea ayaa sheegtay in rasaastu ay bilaabatay 7:41 AM ee waqtiga dalkaasi. North Korea ayaan wax war ah ka soo saarin dhacdadan.

Dhowr saacadood ka dib dhacdadan ayay saraakiisha militariga ee South Korea waxa ay sheegeen iney aaminsan yihiin in rasaasta ay soo rideen askarta North Korea aysan ahayn mid ku talogal ah.

Taliska uu Mareykanku hogaamiyo ee ciidamada QM ee ilaaliya agga militariga ka caaggan ee DMZ, ayaa u sheegay VOA inay "ka warqabaan dhacdada la soo wariyey iney saaka ka dhacday agagaarka aagga DMZ."

“Howlgalka UNC waxa uu wada shaqeyn dhow la leeyahay madaxda ciidamada Jamhuuriyadda Korea si loo qiimeeyo loona sii wado la socodka xaaladdan,” ayuu yiri Col. Lee Peters, oo ah agaasimaha arrimaha bulshada ee UNC.

“UNC waxa ay sameyn doontaa baaritaan buuxa oo bilaabanaya maalinta berri ah (Isniin, 4-ta May) si ay u go'aamiso haddii uu jiro xad gudub heshiiskii xabadjoojinta ahaa, waxayna warbixinta marka baaristan la dhameeyo la wadaagi doontaa cidda ay quseyso.”

Mareykanka ayaa waxaa ka jooga South Korea askar gaareysa ilaa 28,000. Dhacdadaan ayaa imaaneysa xilli tan iyo markii uu xafiiska la wareegay Donald Trump lasoo dhaafay ay isa soo tareysay cabsida laga qabo in ay dagaalaman labada dal.

GO + VOA

Related Articles

Israa'iil oo gantaal ku garaacdey magaalo ku taalla bartamaha Iran

Warsidaha afka dheer ee Fars ayaa tabiyay in qaraxa uu ka dhacay magaalada Qahjaverestan.

  • Caalamka

    19-04-2024

  • 03:36AM

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM