​Riek Machar oo dalkiisa ku laabtay

Image

Kadib hishiis beesha caalamku garwadeen ka ahayd oo dhexmaray hogaamiyaha Suudaanta Koonfureed iyo ninka mucaaradka ah ee Riek Machar dalka Ethiopia, ayaa sahlay in la fuliyo qodob kamid ah is-afgaradka labada dhinac.

Hogaamiyaha mucaaradka, ayaa dalkiisa kusoo laabtay si uu ula wareego jagada cusub ee ah madaxweyne ku xigeenka, isagoo hadda ku sugan xarunta mucaaradka ay ku leeyihiin bariga South Suda ee Gambella oo dhacda xadka Ethiopia.

"Hogaamiyuhu wuu laabtay, waxaana la filayaa inuu asbuuca soo socda tago magaalada caasumadda ah ee Jubba si uu ula wareego xilka cusub,"Sidaasi waxaa sheegay saraakiil magaalo madaxda ku sugan.

Maalinta Isniinta ayaa la filayaa inuu gaaro Jubba inkastoo ay jiraan is-aaminaad la'aan labada hogaamiye ka dhex jirta, waxaana todobaadkii lasoo dhaafay caasumadda waddankaasi la geeyay 1300 oo ah xooggaga mucaaradka, taasoo qeyb ka ah qodobada heshiiska.

Askartaasi ayaa la filayaa in ay sugaan ammaanka Mr Machar, ka dib markii uu sidaa codsaday.

Khilaafka u dhexeeya Mr Machar iyo madaxweyne Salva Kiir ayaa sababay in bishii December ee 2013 uu dalkaasi ka bilowdo dagaal sokeeye, kaasoo ay ku dhinteen tobanaan kun oo qof, ayna ku barakaceen in ka badan laba milyan oo qof.

Beesha Caalamka ayaa xoogga saartay sidii ay labada dhinac u meelmarin lahaayeen heshiiskii ay gaareen bishii August ee lasoo dhaafay.

Waxaa dhowr jeer ooh ore burburay heshiis ay labada dhinac gaareen, sidaa awgeed waxaa la fili karaa in is-aaminaad la’aan ay ka dhex taagnaato dowladda cusub.

Balse shacabka dalkaasi oo ka daalay colaadda ayaa rajeynayaa in dowladda KMG ah ay si wanaagsan u shaqeyso.

GAROWEONLINE

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM