Ruushka oo cunaqabatayn ku soo rogay Turkiga

Image

29 November, 2015(GO)-Dalka Ruushka, ayaa sheegay inay cunaqabatay dhanka ganacsiga uga aargoosan doonaan tallaabadii Turkigu ku soo riday diyaarad dagaal oo ku sugnayd xadka ay wadaagaan dowladda Ankara iyo Suuriya.

Saraakiil ka tirsan Ruushka, ayaa tilmaamay inay xayiraad saari doonaan waxyaabaha Turkigu soo dhoofiyo, isla markaana joojin doonaan in ganacsiyadooda laga shaqaalaysiiyo muwaadiniinta dalkaasi.

Arrintan ayaa timi kadib markii raali galin laga dalbaday Ankara inay ka bixiso diyaaraddii soo riday.

Xukuumadda Erdogan, ayaa ka caga-jiidaysa inay u hogaansanto dalabka Moscow.

Khilaafka labada dal ayaa sii xumaaday ka dib markii la isweydaarday hadallo xanaf leh, waxaana ku lug leh waddamada faragalinta ku haya colaadda Suuriya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM