Ruushka oo gudbiyey dalab la xiriira xerada Balidoogle iyo dekada Berbera

Image

MOSCOW, Russia – Ruushka ayaa miiska saaray xiiso la xiriira xerada uu Mareykanka ku tababaro kumaandooska Soomaaliya ee Balidoogle, iyo dekada Berbera, sidda uu mas'uuliyiin ammaan kasoo xigtay Foreign Policy.

Wargeyskan afka dheer ee kasoo baxay Mareykanka ayaanan fahfaahin dalabkaas. Balse, saraakiishan uusan magacaabin waxay wariyeen in Ruushka iyo Iiraan ay isku kaashanayaan in Mareykanka laga saaro saldhiga.

"Mas'uuliyiinta waxay ka walaceen in weerarkii lagu qaadey Balidoogle 2019-kii uu ahaa mid ay taageereen Ruushka ama Iiraan iyagoo doonaya in Mareykanka uu ka baxo saldhiga," ayay raacisay warbixinta oo aan caddeyn wadan.

Warsidaha Garowe Online ayaanan si madax-banaan u xaqiijin karin eedeymahaan aysan wali ka jawaabin xukuumadda Moscow.

Maleyshiyadda Al-Shabaab ee gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas oo aan geysan wax khasaaro nafeed.

Dhanka marsada Berbera, hadalheynteeda waxay soo ifbaxday ka gedaal markii Ruushka uu dib u soo cusbooneysiiyey howlgalkiisa diblumaasiyadeed ee Soomaaliya muddo 30-sano ah kadib, soona magacaabay safiir.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Ruushka uu sidoo kale codsaday in uu saldhig ciidan ka furto Somaliland, wallow mas'uuliyiin ka tirsan maamulkaas 1991-dii sheegta gooni u goosad aysan wali ka jawaabin warbixinadaas.

Soo laabashada Moscow ayaa kusoo hagaagtay xilli Russia sanadihii lasoo dhaafay ay diiradda saareysay xoojinta joogitaankeeda Afrika isla markaana uu meel sarre gaarey loolanka Washington ee hogaaminta aduunyadda.

Labadan dal oo ay wehliyaan Shiinaha iyo Faransiiska ayaa saldhigyo ciidan waxay kuwada leeyihiin Jabuuti oo deris la ah Soomaaliya.

Saldhiga Balidoogle oo 60 miles Koonfur Galbeed ka xiga Muqdisho waxaa dhisay Midowgii Suufiyeeti, oo uu ahaa fariisinkiisa ugu weyn gobolka.

Dhamaan dhaqdhaqaaqyada socda ayaa la xiriira loolanka juquraafi siyaasadeed ee ku saabsan hardanka ay quwadaha dunida ugu jiraan qabsashada goobaha istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika.

Soomaaliya oo ku taala aag marineed muhiim u ah dhaqaalaha caalamka iyo kheyraadka ku jira dhulka si lamid ah badda ayaa ka dhigtay dal soo jiitaa quwadaha dunida, balse waxaanan leysku raacsaneyn qaabka loo maareynayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sri Lanka oo xirtey askar u dhalatay dalkaas kuna biirtey milatariga Ruushka

Arrintan ayaa waxa ay kusoo hagaagtay maalin kadib markii dalka ay deriska yihiin ee Hindiya uu afar qof lagu xiray kiis kan la mid ah.

  • Caalamka

    09-05-2024

  • 04:59PM

Pakistan: Sagaal qof oo time-jare ahaa oo toogasho lagu dilay

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkan oo dhacay aroortii hore ee Khamiista maanta ah.

  • Caalamka

    09-05-2024

  • 08:04AM