Ruushka oo looga digay Hubka uu siiyo Suuriya

Image

06 September, 2015(GO)-Wada hadal dhanka telefoonka ah ayaa dhex maray  Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka John Kerry iyo dhigiisa Ruushka Sergei Lavrov waxaana uu ku saabsanaa walaaca Mareykanku ka qabo hubka la siiyo Bashar Al-asad.

Ruushka ayaa ka mid ah dalalka hubka ugu badan siiya dowladda Suuriya balse waxaa jiray warar sheegaya in uu kordhiyay hubka casriga ah ee uu siiyo maamulka Asad waxaana uu geeyay khubaro Milateri.

Arintan ayaa keentay in Mareykanku soo fara galiyo maadaama ay soo baxayaan warar sheegay in Ruushku doonayo sidii uu majaraha ugu qaban lahaa dagaalka lagula jiro kooxda Islaamiga ah ee ka dagaalanta Suuriya.

Kerry waxuu u sheegay Lavrov in haddii ay dhab yihiin wararkaasi uga sii dari karto dagaalka socda, ayna weliba dhalin karto iska hormaar dhex mara Ruushka iyo xulafada uu Mareykanka horkacayo ee ka howlgala hawada Suuriya, si ay u duqeeyaan ururka isku magacaabay Khilaafada Islaamka.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Jimcihii sheegay in aan la gaarin waqtigii laga hadli lahaa in ciidammo toos ah ay u diraan Suuriya, balse dowladdiisa ay xukuumadda Dimishiq ka caawineyso hubka iyo tababarka ciidanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Al-Siisi oo u safraya Imaaraadka kadib wadahadallo uu la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh

Soomaaliya ayaa dhowaan hakisay heshiisyadii amniga, difaaca iyo dekedaha ee ay la lahayd Imaaraadka Carabta.

  • Caalamka

    09-02-2026

  • 07:35AM

Bitcoin Oo Si Weyn Hoos Ugu Dhacday Xilli Suuqyada Caalamku Qalalaase Ku Jiraan

Falanqeeyayaasha maaliyadeed waxay sheegayaan in hoos u dhaca crypto…

  • Caalamka

    05-02-2026

  • 08:13PM