X
DEG DEG:

Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide oo ka degay magaaladda Hargeysa, maalin kadib markii Biixi uu diiday booqashada Abiy iyo Farmaajo Riix Halkan

Ruux doonayey in uu Toorey ku dilo Donald Trump oo la qabtay

Caalamka
By WARIYAHA WASHINGTON , GAROWE ONLINE
Shaqsigaan ayaa markii gacanta lagu dhigay waxaa loola cararay Isbitaal si loo hubiyo caafimaadkiisa.

WASINGTON, US – Ciidamadda ammaanka ayaa Sabtidii banaanka Aqalka Cad waxay ka qabteen nin doonayey in uu Toorey ku dilo madaxweynaha Mareykanka ee Donald Trump.

Roger Hedgpeth, oo 25-sano jir ah, ayaa lagu waramay in uu watay mindi dhirarkeedu gaarayo 1.5 Inji.

Wargeyska afka dheer ee Daily Mail ayaa baahiyey in saraakiisha dharcada ay gacanta ku dhigeen ruuxaan.

Hedgpeth ayaa la tilmaamay in loo qaadey isbitaal si loo hubiyo hadii xaalad caafimaad oo maskaxda ah uu qabo.

"Hase ahaatee, xiliga uu ninkaan qorsheystay weerarka, madaxweynaha qorshaha ma ugu jirin in uu dibadda u soo baxo," ayuu jaraa'idka kasoo xigtay sarkaal ka gaabsaday magaciisa.

Dhacdooyin noocaan ah oo saddexdii sano ee lasoo dhaafay laga soo wariyay banaanka hoyga looga arimiyo Ameerika.

Tani ayaa ku qasabtay saraakiisha nabad-gelyadda Aqalka Cad in ay wax ka bedelaan qaabka loo sugo amniga dhismaha, iyaddoo xeendaabka lagu soo daabulay ciidamo badan.

GAROWE ONLINE

Wararkii ugu dambeeyey