Ruux isku hor gubay banaanka mid kamida xarumaha hay'addaha UN-ka

Image

GENEVA, Switzerland – Nin reer Suuriya ah kana soo jeeda Kurdiyiinta ayaa Arbacadii isku hor-gubay banaanka xarunta Hay'adda Qaramadda Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee Geneva.

Ruuxan oo degan waddanka Jarmalka kaasoo jirkiisa uu gubtay %80 ayaa waxaa la dhigay Isbitaal kahor inta aysan boolisku ku guuleysan in ay baqtiijiyaan dabka.

Bukaanka ayaa waxaa la filayaa in uu Isbitaalka kusii jiro.

"Maadaama xaaladiisa ay tahay mid aanan xasilooneyn, ma ahan macquul in aan ogaano waxa ku kalifay dhacdadan, balse waxaan aaminsanahay in ay salka ku hayso arrimo siyaasadeed," ayuu yiri bileyska.

War qoraal ah oo kasoo baxay UNCHR ayaa lagu sheegay in ay ka xun tahay falka uu ku dhaqaaqay shaqsigan aan wali la magacaabin.

"Dhismaha xarunta UNHCR ayuu isku dayey in uu galo, balse saraakiisha amniga waxay ka hor istaageen talaabadaas," ayuu raaciyey.

UNHCR ayaa ayaa badi xarumaheeda waxay ku yaalaan hareeraha wadooyinka, sababtuna waa in ay magan-galyo siiso qaxootiga.

Dhacdadaan ayaa gilgilashay quluubta dad badan, wallow warbaahinta caalamka lagu dhaliilay in ay ka gaabisay baahinta arrintaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM

Booliska Kanada oo lumiyay raadadka dahabkii ugu badnaa taariikhda dalkaas ee la dhaco

Dahab qiimihiisu gaaraya $16 Milyan oo Dollar ayaa sanadkii hore laga dhacay Shirkad ka dhisan Kanada.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:15AM