RW Hungary ma doonayno Islaam badan

Image

04 September, 2015(GO)-Xilli ay jiraan qaxooti badan oo ku sii qul qulaya dalalka Yurub ayaa waxa soo kordhaya tacadiyo kala duwan oo ay la kulmaan muhaajiriinta magan galyo doonka ah ee ka soo cararaya colaadaha ka taagan Suuriya iyo qaar ka mid ah dalalka Africa.

Ra'isal wasaraha dalka Hungary Viktor Orban ayaa maanta ka sheegay shir ay isugu yimaadeen ku dhawaad 30 ka mid ah hogaamiyasha Yurub in dalka Hungry uusan diyaar u ahayn inay soo galaan muslimiin badan.

Viktor waxa uu eed dusha uga tuuray dalka Jarmalka oo uu sheegay inay fidmada Yurub qeyb ka yihiim maadama sida uu hadalka u dhigay ay qaabilayaan qaxootiga soo gala.

"Waxaa u malaynayaa inaan leenahay xuquuqda aan ku diidi karno in dalkeena soo galaan muslimiin badan oo Suuriyaan ah, Anga ma doonayno cawaaqib cumada arintan, fadlan ha imaanina waa khatar mana damaanad qaadayno imaanshihiinna"Ayuu yiri Viktor Orban.

Shirkan oo ka dhacay xarunta Midowga Yurub ee Brussels ayaa waxa uu RW Hungary ku sheegay in arintani horseedi karto colaad ka dhacda waddankaasi maadama uu sheegay in muwadiniintoodu diyaar u ahayn imaanshaha qaxootiga Suuriya.

Hadalkan ayaa ku aadaya xilli maalin ka hor la joojiyay qaxooti tiro badan oo tareen ka soo raaci lahaa Austria oo ku sii jeeday Hungary kuwasi oo loo ogolaan waayay inay raacaan tareenada waxaan goobaha laga raaco la dhoobey Bolis.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Israa'iil oo dishay Taliyihii Ciidamada Badda Iiraan xilli khasaaruhu sii kordhayo

In kasta oo bartilmaameedyadu u muuqdaan kuwo military, haddana khasaaraha dadka rayidka ah ayaa ah mid aad u baaxad weyn.

  • Caalamka

    26-03-2026

  • 04:18PM

Iran maraakiibta dalalka aan "cadowga" ahayn u furtay Hormuz

Bayaankan ayaa yimid iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha Bariga Dhexe tan iyo markii Maraykanka iyo Israa’iil...

  • Caalamka

    26-03-2026

  • 11:05AM