​Rwanda: Shir madaxeedka Africa oo ka furmay magalada Kigali

Image

Waxaa maanta magaalada Kigali dalka Rwanda ka furmay shir madaxeedka 27-aad eeMidowga Africa, waxaana la filayaa in looga hadlo arrimo ay kamid tahay colaadda ka taagan waddanka Koonfurta Suudan.

Shirkan ayaa waxaa ka qayb galaya mas'uuliyiin kasocota 54 dal oo African ah, diblomaasiyiin shisheeye iyo waliba xubno kasocda Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa oo hogaaminayo Xoghaye Ban Ki Moon.

Madashan ayaa sidoo kale looga hadli doonaa arrimo ay kamid tahay baasaboor ay ku midoobaan waddanka Africa, waxaana la sheegay inay qorshahan ogolyihiin ilaa 13 dalka halka kuwa kale kasoo horjeesteen in dalkooda lagu tago fiiso la'aan.

Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa dalalka Africa ka codsan doona inay keenaan ciidamo u istaaga ilaalinta amniga shacabka Koonfurta Suudaan.

Wararka ku xeeran shirkan ayaa sheegaya in mudada uu socdo lagu dooran doono hogaan cusub, waxaana haweenayda xilka hadda haysa ee Dlamina Zuma kula loollami doona ilaa saddex murashax.

Somalia waxaa shirkaasi uga qayb galay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud kaasoo shalay gaaray caasumadda waddanka Rwanda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM