Saameynta wararka been abuurka ku yeesheen la dagaallanka Coronavirus

Image

Hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ka digtay wararka been abuurka iyo xogaha khaldan ee la isla dhexmarayo ay caqabad ku noqdaan jawaab ka bixinta cudrkan cusub ee coronavirus.

Agaasimaha guud ee hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO ,Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa warfidiyeennada u sheegay wararkaasi been abuurka iney saameeyeen shaqaalaheenna har iyo habeen ku howlan xal u helista cudurkan.

Caalamka oo dhana waxaa cudurkan cusub coronavirus laga helay dad ka badan 34,800, iyada oo tirada ugu badan ee dadkaasi ay yihiin dad u dhashay Shiinaha.

Dalka Shiinaha oo keli ah waxaa cudurkaasi u dhimatay dad ka badan 723, waddanka kale ee Shiinaha ka baxsan ee cudurkaasi looga dhintayna uu yahay dalka Philippines.

Dr Tedros wuxuu intaa ku daray cudurka inuu dalka Shiinaha oo keli ah uu ku haleelay 34,598 qof, ku dhawaad 25,000 oo dadkaasi ka mid ahna ay yihiin kuwa ku nool gobolka Hubei, ee dalka Shiinaha gobolkaasi oo ah halki ugu horreeyey oo cudurka cusub uu ka dillaacay.

"Waxaa kale oo aan doonayaa inaan si tifatiran uga hadlo muhiimadda ay leeyihiin xogaha rasmiga ah, Sahacabkuna waa iney helaan fursad ay ku heli karaan xogaha dhabta ah ee la xidhiidha sida uu qofka isaga ilaalin karo cudurkan iwm" ayuu yiri.

"Hay'adda WHO ahaan lama dagaallameyna oo keli ah caabuqa corona, balse waxay sida oo kale la dagaallameysay wararka been abuurka ah ee caqabadda ku noqon kara mas'uuliyadda na saaran.

"Wargeyska the Guardian oo boggiisa hore cinwaan uga dhigay, "Xogaha Khaldan ee ku saabsan cudurka coronavirus iney noqon karaan xogaha ugu khatarta badan ee cudurka laga faafiyo."

Wargeyska The Guardian qaybta uu kaga faalloodo araa'da, wuxuu ku daabacay qoraal uu Dr Adam Kucharrski uu ku doodayo sida ugu wanaagsan ee wararka been abuurka ee la faafiyo looga hortagi karo iney tahay "in caabuqan loo daweeya si la mid ah faayrasyada caadiga ah."

Toddobaadyadi la soo dhaafay oo keli ah waxaa caalamka ku baahay xogo khaldan oo ku saabsan faayrsakan cusub.

Wararka khaldan ee warbaahinta lagu baahiyeyna waxaa ka mid ah kuwa ku yaalla Britain iyo Mareykanka, iyaga oo warbixinnadooda ku lifaaqay muuqaal laga duubay haweeney Shiineys ah oo fiidmeer cuneyso.

Hongkong waxaa laga helay 26 qof oo faayraska cronavirus laga helay.

Khamiistina, muwaaddin 60 jir ah oo u dhashay Mareykanka ayaa la xaqiijiyey inuu isbitaalka Jinyintan ee ku yaalla Wuhan ugu dhintay cudurka Coronovirus.

Dhaktar u dhashay waddanka Shiinaha oo isku dayay inuu digniintii ugu horreysay kasoo saaro halista caabuqa dilaaga ah ee coronavirus, markii ugu horreysay ee uu dillaacay, ayaa ugu dambeyn u geeriyooday isla cudurkaas oo markii dambe ku dhacay, sida ay sheegeen warbaahinta dalkaas.

Li Wenliang wuxuu ka mid ahaa dhakhaatiirta ka howlgaleysay isbitaalka guud ee magaalada Wuhan, wuxuuna digniinta ku saabsan cudurkan saaxiibadiisa shaqada u diray 30-kii bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay.

Booliska ayaa markaas ka dib ku booqday gurigiisa waxayna ku amreen inuu joojiyo digniintaas, maadaama ay mas'uuliyiintu doonayeen in la qariyo warka ku saabsan caabuqaas cusub.

Maxay tahay Sheekada ku saabsan dhakhtarkan?

30-kii bisha December wuxuu farriin u diray dhakhaatiirta ay shaqa wadaagga yihiin isaga oo farriintiisa ku sheegay cudurka dillaacay waxa uu yahay, si ay isaga ilaaliyaanna ay xirtaan dharka iyo qalabka cudurkaasi looga hortagi karo.

Balse dhakhtarku xilligaasi ma ogeyn in cudurkaasi uu yahay caabuqa cusub ee coronavirus.

Waxaa xilligaaasi la sheegayay in cudurka uu ka yimid suuqa lagu iibiyo hilibka xayawaannada badda, oo ku yaalla Wuhan, iyada oo bukaanada cudurka laga helayna Isbitaalka lagu karantiilay.

Afar maalmood kaddib waxaa u tagay mas'uuliyiin ka socday xafiiska sirdoonka bulshada iyaga u sheegay inuu saxiixo warqad ay sideen. Waxaana warqadda inuu saxiixa laga dalbaday lagu soo eedeeyey "Inuu warar been abuur ah oo khaldan faafinayay" taasoo wax u dhintay "xasiloonida bulshada".

"Waxaan kaaga digeynaa: haddii aad ku sii socota bulshada inaad marin habaabiso, dhaqan xumida iyo inaad falkan sharci darrada ku sii socoto in caddaaladda lagu horgeynayo ma fahantay? Warqadda qaybteeda hoosana Dr Li ayaa ku qoray "Haa, waxa aad iga dalbateen waan sameeynayaa."

Wuxuu Dr Li ka mid yahay siddeed qof oo ay booliska baaritaan ku sameeyeen oo ay ku eedeeyeen "iney baahiyeen warar aan jirin".

Dhammaadkii bishi January Dr Li wuxuu barta xiriirka bulshada ee Weibo ku daabacay nuqul ka mid ah warqadda ay booliska u geeyeen, isaga oo weliba sharraxaad ka bixiyay waxa dhacay. Waxyar kaddibna laamaha ay quseyso wey ka raalligeliyeen wixi dhacay isaga oo sheegay iney raalli gelintooda la soo daaheen.

Dr li wuxuu sheegay in marar badan laga baaray cudurka Cornovirus balse baaritaannada lagu sameeyey oo dhan looga waayay cudurka.

10 maalmood kaddib oo ku beegneyd 20-ka January Shiinaha wuxuu shaaaciyey inuu dalkiisu ka dillaacay cudurka coronavirus, islamarkiina waxaa billowday howlaha gurmadka.

30-kii bishii January wuxuu mar kale baahiyey farriin: "Baaritaan kale oo lagu sameeyey ayaa lagu ogaaday inuu cudurkii uu markii ugu horreysay ka digayay haleeyay, kaddibna sidaa ayaa dawo loogu billaabay."

Farrinta ugu dambeysay ee uu baahiyeyna kumannaan dad ah ayaa ka tala dhiibtay iyada oo dad badanna ay taageero u muujiyeen.

BBC

Related Articles

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM

Booliska Kanada oo lumiyay raadadka dahabkii ugu badnaa taariikhda dalkaas ee la dhaco

Dahab qiimihiisu gaaraya $16 Milyan oo Dollar ayaa sanadkii hore laga dhacay Shirkad ka dhisan Kanada.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:15AM